Home » Africa » Afar Ciyaaryahan Oo Seegay Tababarkii Maanta Ee Xulka England.

Afar Ciyaaryahan Oo Seegay Tababarkii Maanta Ee Xulka England.


kala

Afar ciyaaryahan oo ka tirsan xulka England ayaa seegay tababarkii maanta, iyadoo Three Lions ay isku diyaarinayaan kulanka isreebreebka Koobka Adduunka ee ay la leeyihiin Moldova.

Xulka Roy Hodgson ayaa jimcaha Wembley ku wajahaya Moldova, waxaana ay ka warqabaan inay u baahan yihiin seddex dhibcood hadii ay hogaanka Group H kala wareegayaan Montenegro oo u safreysa Poland.

Waxaa shaki ku jiraa inay kulankaas ciyaarayaan Jack Wilshere, Daniel Sturridge, Steven Caulker iyo Jermain Defore ka dib markii ay seegeen tababarkii buuxay ee xulka England ee maata.

Wilshere ayaa calool xanuun darteed loo bedelay kulankii ay Arsenal 1-0 kaga badisay Tottenham axadii, laakiin waa Sturridge ciyaaryahanka shakiga ugu badan laga qabo inuu ciyaari karo isagoo qaba dhaawac muruqa ah.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close