Xidig yaraha kooxda Manchester United,Adnan Januzaj ayaa lagu soo waramaya in uu doonayo in uu u ciyaaro xulka England.
18 jirka garabka ka ciyaara ayaa sidoo kale u ciyaari kara xulalka Albania, Turkey, Belgium, ama Serbia laakiin wadnihiisa ayaa u sheegay in uu uciyaaro Three Lions sidaa waxaa qortay The Sun.
Januzaj ayaa sheegay in uu eegayo in uu qeyb ka noqdo xulka Roy Hodgson ee koobka aduunka, inkastoo wararka qaar ay tilmaamayan in ugu dambeyn aabihiis Abedin uu go,aamin doono xulka uu uciyaarayo.
“Adnan waxaa uu dareemaya in England ay hada gurigiisa hada,waxaa uu jecel yahay kubada cagta halkaan waxaana uu eegaya xulka England sidaas waxaa yiri Adnan saaxibkiis.
Januzaj ayaa dhaliyay 3 gool kadib 17 kulan oo uu ka soo muuqday kooxda waa weyn ee Man United xagaagan.