Home » Maxaa Cusub » Adam Lallana Oo Niyada Ka Jabiyay Man United Kana Doortay Koox Kale Oo Ka Dhisan Ingiriiska

Adam Lallana Oo Niyada Ka Jabiyay Man United Kana Doortay Koox Kale Oo Ka Dhisan Ingiriiska


Soccer - Barclays Premier League - Tottenham Hotspur v Southampton - White Hart Lane

Kubad sameeyaha kooxda Southampton Adam Lallana ayaa diirada u saaran kooxda Manchester United oo dooneysa iney dib u dhis ku sameyso ciyaartoydeeda marka uu suuqa kala iibsiga furmo madama ay xili ciyaareedkaan ka dageen tareenka loolanka horyaalka Ingiriiska.

Manchester United ayaana bartilmaameed koowaad ka dhiganeysa Luke Shaw iyo Adam Lallana oo ka wada tirsan naadiga Southampton, balse xidigaan reer England ayaa ku waramay inuu doonayo ku biiritaanka kooxda Liverpool halkii uu ku biiri lahaa Man United.

Adam Lallana ayaa xili ciyaareedkaan soo galay liiska tartamayaasha abaalmarinta xidiga sanadka horyaalka Ingiriiska inkastoo uu Suarez ku guuleystay.

Labada kooxood ee Man United iyo Liverpool ayaana xiiso u qabay 25-jirkaan England u dhashay waxaase markaan fursad weyn heli doonta Liverpool oo uu doorbidayo xidigaan inuu ku biiro.

Sida ay cadeysay Daily Mail Branden Rodgers ayaa diyaariyay qorshe wanaagsan oo ay kula soo saxiixan karaan Lallana 15 Malyan ayuuna ku doonayaa wiilkaan halista ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close