Home » Maxaa Cusub » Ac Milan Oo Nooleysay Rajadeeda Europa League Markii Ay Sansiro Ku Garaacday Inter Milan

Ac Milan Oo Nooleysay Rajadeeda Europa League Markii Ay Sansiro Ku Garaacday Inter Milan


De Jong

Ac Milan ayaa soo nooleysay rajadeeda tartanka labaad ee yurub ugu weyn Uefa Europa League markii ay guul ka gaareen kulankii Derby Dello Medonina ee ka dhacay Sansiro xalay.

Labada kooxood ayaa ku jira xili ciyaareed aad u xun waxaanja labada kooxood ay dagaal ugu jiraan kasoo qeyb galka tartanka Europa League kulankoodii xalay wuxuu muhiimad gooni ah u lahaa Milan oo rajadeeda Europa League xumeed.

Xidigii hore Manchester City Nigel De Jong ayaa madax qurux badan u saxiixay kooxdiisa markii uu laad qurux badan ka helay Super Mario Balotelli.

Guushii ay xalay gaartay Milan waxey ka dhigan tahay iney soo istaagtay kaalinta 8-aad waxeyna 1-dhibic oo qura u jirtaa booska ugu dambeeya ee looga qeyb galo Europa League waxaana fadhiya Torino oo shalay guul ka gaartay  Chievo.

Sidoo kalana Parma oo kulankeedii shalay ka badisay Sampdoria ayaa ku jirta booska 7-aad waxaana ay ku jirtaa kaalinta 7-aad waxeyna Milan isla wadaagaan min 54-dhibcood.

Horyaalka haatan waxaa ku guuleystay Juventus, halka Roma iyo Napoli ay xaqiijiyeen kaalinta Champions League, Fiorentina ayaa dhibic kaliya u baahan si ay u xaqiijiso booskeeda Europa League.

Farqiga u dhaxeeya Inter Milan iyo Ac Milan ayaa isna ah 3-dhibcood oo qura.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close