Home » Maxaa Cusub » Ac Milan Oo Hogaanka U Heysa Loolanka Loogu Jiro Daafaca PSG Alex

Ac Milan Oo Hogaanka U Heysa Loolanka Loogu Jiro Daafaca PSG Alex


Alex

Wargeyska L’Equipe ee kasoo baxa dalka faransiiska ayaa qoray in kooxda ka dhisan magaalada Milan ay hogaanka u heyso loolanka loogu jiro saxiixa daafaca reer Brazil ALex kaas oo ka tirsan kooxda Paris Saint Germain.

Heshiiska uu daafacaan kula jiro PSG ayaa sii idlaaday, wuxuuse rajo ka qabay inuu sii joogo kooxda, inkastoo arintaas ay soo afjarantay markii kooxdiisa ay lasoo saxiixatay David Luiz.

Tababaraha Paris Saint Germain Laurent Blanc ayaa xaqiijiyay shalay in Alex uu ka tagayo kooxda isla markaana uusan kasii muuqan doonin xili ciyaareedka soo aadan.

L’Equipe ayaa ku warameysa in Milan iyo Galatasaray ay ku raad joogaan xidigaan balse kooxda reer talyaani ayaa ku gacan sareysa iyadoo dooneysa iney 31-jirkaan xili ciyaareedka dambe kusoo biiriso Sansiro.

Kooxda Milan ayaa ku fashilantay iney xili ciyaareedka soo aadan kasoo muuqato tartamada yurub madama ay kooxda gashay kaalinta 8-aad ee horyaalka.

Alex ayaa waayay booskiisa koobka aduunka isagoo ku biiray liiska xidigaha daawan shaashadaha ama garoomada ka daawan doona koobka Aduunka oo ka qabsoomi doona Brazil.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close