Ac Milan ee dalka talyaaniga ayaa dhameystirtay saxiixa goolhayaha reer Spain Diego Lopez kaas oo Real Madrid kaga soo biiray si xor ah wuxuuna Milan sii joogi doonaa ilaa 2018.
Goolhaye Diego Lopez ayaa ahaa dooqa koowaad ee Real Madrid xili ciyaareedkii lasoo dhaafay, balse mustaqbalkiisa Los Blancos waxaa mugdi galiyay saxiixa cusub ee kooxda Keylor Navas.
32-jirkaan ayaa caafimaad maray maanta waxaana ku wehliyay xidiga reer Colombia Pablo Armero kaas oo isna si rasmi ah ugu soo biiray kooxda Milan.
Goolhayahaan qabiirka ah ayaa si rasmi ah kaga soo guuray Bernabeu, wuxuuna yimid garoonka Sansiro ee magaalada Milan, iyadoo kooxda uu hogaamiyo Pippo Inzaghi ay website-keeda ku shaacisay saxiixa xidigaan.
Qandaraaska uu Lopez ku joogayo Milan ayaa lagu sheegay Afar sanadood wuxuuna dhamaan doonaa 30-ka June 2018, sidoo kale Pablo Armero ayaa isna hal sano joogi doona kooxda Milan.
Ugu dambeyntii Diego Lopez ayaa noqday saxiixii lixaad ee kooxda Milan: Jeremy Menez, Alex, Agazzi, Albertazzi & Adil Rami waxeyna diyaar u tahay Milan iney dagaal u gasho hanashada horyaalka xili ciyaareedka bilaaban doona, waxaana intaas sii dheer in Armero uu noqonayo saxiixii todobaad.
SAWIRO DHEERAAD AH:
PABLO ARMERO
PABLO ARMERO
Profile