Madaxweyne Ku xigeenka naadiga Ac Milan Adriano Galliani ayaa beeniyay wararka ay shaaciyeen saxaafada dalka talyaaniga kaas oo ah in kooxda Milan ay heshiis la gaartay halyeeygii hore Milan Celerence Seedorf isla markaana noqon doona tababaraha kooxda xagaaga soo aadan.
Warbixino hor leh oo saakay kasoo baxay gudaha talyaaniga ayaa shaacinayay in 37-jirkii hore kooxda Milan & Xulka Holland uu badali doono Allegri marka uu dhamaado xili ciyaareedkaan.
Si Kastaba Galliani ayaa gaashaanka u daruuray warkaas isla markaana cadeeyay ineysan jirin wax wadahadal ah oo dhexmaray Seedorf iyo Milan.
“Ma jirto wax wadahadal ah oo dhexmaray Seedorf & Milan” ayuu u sheegay warfidiyenada “Wali wax go’aan ah lagama gaarin arinta Allegri sababtoo ah wali waxaa socda xili ciyaareedka”
Seedorf ayaa milan kusoo qaatay waqti badan isagoo kula guuleystay laba horyaal oo Serie A ah & Laba Champions League.
Waxaa Aqrisay: (111)
Mogadishu - Somalia