Abaalmarinta sanadlaha ee laga bixiyo horyaaalka Premier League ayaa xalay lagu bixiyay xaflad ka dhacday magaalada London iyadoo sidii la filayay ay noqotay markii weeraryahanka reer Uruguay iyo kooxda Liverpool Luis Suarez loo magacaabay xidiga sanadka horyaalka.
Inkastoo sanadii lasoo dhaafay uu lumiyay kalsoonida Jamaahiirta iyo tan xiriirka FA-ga markii uu la kulmay ganaaxyo kala duwan oo saameeyay qaabkiisa kubada cagta hadana sanadkaan wuxuu muujiyay sida uu u yahay xirfadle yaqaana kubada cagta marka laga soo tago rabshada.
Suarez ayaa cunsuray daafaca madow ee Manchester United Patrice Evra, sidoo kalana wuxuu qaniinay Bransilav Ivanovic oo ka tirsan kooxda Chelsea.
Suarez ayaa dhaliyay 30-gool xagaagan waana mida keentay in loo doorto xidiga sanadka waana xidigii ugu horeeyay oo Latin America ka socda oo ku guuleysta abaalmarintaan.
Luis Suarez ayaa ka dulqaaday abaalmarintaan: [Steven Gerrard, Daniel Sturridge, Adam Lallana, Yaya Toure iyo Eden Hazard].
Dhanka kale Eden Hazard oo abaalmarintaan u tartamayay laba jeer ayaa ku guuleystay xidiga ugu wanaagsan xidigaha da’yarta horyaalka Ingiriiska isagoo ka dulqaaday [Barkley, Ramsey, Luke Shaw, Sterling iyo Suarez].
Labadaan abaalmarinta sanadkii hore waxaa isku qaatay xidiga Real Madrid Gareth Bale kas oo ka tirsanaa Kooxda Tottenham Hotspur.
Ugu dambeyntiina dhanka Haweenka laba xidig oo ka tirsan Liverpool ayaa ku kala guuleystay abaalmarinadaan: Lucy Bronze iyo Martha Harris.