Inkastoo Axadii aan kasoo gudubnay FA ama xiriirka kubada cagta England ay qabteen xaflad qurux badan taasi oo lagu abaal mariyay xidigahii ugu wanaagsanaa xili cayaareedkan sidoo kalena Luis Suarez la gudoonsiiyay laacibkii ugu wanaagsanaa EPL xili cayaareedkan 2013/14 hadana waxaan idiin heyna sheeko midaas ka duwan oo ah in sidoo kale lagu dhawaaqay, abaal marino lagu sheegayo laacibkii ugu xumaa sanadkan, maamulka, naadi iyo dhan walbo oo dhanka dafiicnimada ah abaal marino ku aadan ayaa lagu dhawaaqay waxaana ku guuleesteen:
Maamulkii Ugu Xumaa: Vincent Tan Waa Milkiilaha naadiga Cardiff City
Macalinkii Ugu Rabshada badnaa: Alan Pardew (New Castle)
Tababarihii Ugu Xumaa: David Moyes (Man United)
Cayaaryahankii Ugu Xumaa: Tom Cleverley (Man United)
Taageerayaashii ugu xumaa: Fulham