Fifa ayaa daaha ka qaaday in shirkadda Germany ka dhisan ee GoalControl ay siineyso mashruuca ah in Koobka Aduunka 2014ka ay ka hirgeliso hanaanka tiknoolajiyadda xariiqda goolka.
Hanaankan ayaa lagu tijaabiyey Confederations Cup xagaagii lasoo dhaagay, ka dib markii GoalControl ay ku guuleysatay tijaabadii ay Fifa ka qaaday, waxaa la siiyey hirgelinta tiknoolajiyadda xaqiiqda goolka.
Sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay hayadda kubadda cagta aduunka oo u dhignaa sida tan: “Marka loo fiirsho howl-galkii guusha lahaa ee tiknoolajiyadda xariiqda goolka (GLT) ee FIFA Confederations Cup ka dhacay Brazil 2013,
FIFA waxay xaqiijineysaa in GoalControl (GmbH) ay noqon doonto shirkadda sida rasmiga ah loo gudoonsiiyey mashruuxa ah inay tiknoolajiyadda xariiqda goolka ka hirgeliso Koobka Aduunka 2014ka ka dhacaya Brazil. “Intaas waxaa sii dheer, FIFA ayaa maanta idiin xaqiijineysa in tiknoolajiyadda xariiqda goolka loo isticmaali doono Koobka Kooxaha Aduunka ee FIFA kaasoo lagu ciyaari doono Morocco laga bilaabo 11-21 December 2013ka, GoalControl (GmbH) ayaana dhacdadaas ka horgelin doonta tiknoolajiyadda xariiqda goolka.”