Atletico Madrid iyo Chelsea ayaa isku garab dhacay ciyaar hal dhinac kaliya u socotay oo ay Atletico Madri ku gacan sareysay waxaana ciyaartaan ay noqotay u xun Chelsea madama dhaawac looga saaray kabtankooda John Terry iyo goolhayahooda Peter Cech.
Atletico Madrid oo kaashaneysa Jamaahiirteeda ayaa feejignaan iyo kubad heysasho ku bilowday ciyaarta iyadoo 10-kii daqiiqo ee ugu horeysay aysan Chelsea ciyaarin kubad fiican marka laga reebo dhowr qalad oo ay ku galeen, inkastoo Atletico qudheeda ay qaladaad sameynayeen.
Labada kooxood ayaan wax fursad ah isku helin 10-kii daqiiqo ee ugu horeeyay, balse daqiiqadii 14-aad ee ciyaarta ayey Chelsea halis gashay markii kubad koorne aheyd uu meel halis ah ka bixiyay Peter Cech balse nasiib daro goolhayaha reer Czech Republic ayaa dhawacmay iyadoo laga saaray ciyaarta waxaana lagu badalay Schwarzer daqiiqadii 16-aad.
Atletico Madrid ayaa gashay halis markeeda daqiiqadii 19-aad ee ciyaarta inkastoo kubadaas qalad la dhigay hadana Gary Cahill ayaa madaxeeyay kubad koorno aheyd.
Mario Suarez ayaa u dhawaaday inuu shabaqa soo taabto markii darbadii ugu halista badneyd ee ay hesho Atletico Madrid uu ku tuuray goolka Chelsea balse uma noqon oo gees ayey ka martay daqiiqadii 34-aad ee ciyaarta.
Wiilasha Diego Simeone ayaana cadaadis saaraya kooxda Chelsea oo ka bixi la’ qeybteeda garoonka inkastoo xidigaha Atletico Madrid ay ka gudbi la’yihiin darbiga adag ee Blues.
Qeybtii hore ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-0, iyadoo qeybtii labaad la isku soo laabtay Frank Lampard ayaana sameeyay isku daygii ugu horeeyay inkastoo darbadii uu riday uu si fudud u qabsaday Courtios.
Inkastoo aysan jirin kubado halis galinayay goolasha labada koox hadana Atletico Madrid ayaa maamulka ciyaarta iska heysatay qeybta labaad inkastoo Chelsea ay kusoo tala gashay iney difaac noqoto.
Frank Lampard ayaa kubad gacanta ku taabtay inkastoo uu u qalmay in la gudoonsiiyo jaalihii labaad hadana waxaa qariyay muran baahsan oo dhexmaray labada kooxood taasoo dambi la’aan dhigtay Lampard, Kabtan Gabi iyo Mikel ayaana laba jaale la siiyay iyagoo ka maqnaanaya lugta labaad.
Gabi Fernandez ayaa u dhawaaday inuu dhaliyo goolka hogaanka u dhiibi lahaa Atletico Madrid inkastoo si halis ah looga badbaadiyay laad xor ah oo uu soo kasoo tuuray meel goolka u dhaw.
Arda Turan ayaa u dhawaaday inuu hogaanka u dhiibo kooxdiisa, inkastoo uu kubadaas qalad ku galay Azipilicueta hadana meel goolka u dhaw ayey martay.
Ugu dambeyntii kulanka ayaa kusoo idlaaday 0-0 iyadoo kulanka uusan noqon mid u xamaasada badan sidii la moodayay, iyagoo isbuuca soo aadan kulan lugta labaad ku yeelan doona Stamford Bridge.