Horyaalka Talyaaniga waxaa ku sugan xidigaha ugu caansan caalamka intooda badana kubada cagta miisaanka ku leh madaama horyaalkan lasoo gaba gabeen doono axaa nagu soo fool leh waxaan idiin heynaa 5-cayaarryahan oo la sheegay inay Serie A-da isaga hayaami doonaan madaama ay doonayaan inay mustaqbalkooda cayaareed kasii wataan horyaale kale xidigahan waxaa loo soo xulay inay gudaha Talyaaniga miisaan culus ku leeyihiin sidoo kalena hadii ay baxaan laga dareemi doono horyaalkan qiimahiisa, fadlan laacibiintaas hoos kaga bogo:
Kevin Strootman – AS Roma: 24-jirkan Man United ayaa diyaar u ah inay £30million ku iibsato madaama macalinkan Van Gaal uu taageero ka heesto.
Kaka – AC Milan: Inkastoo da’diisa hore usii badatay hadana Kaka Serie A-da miisaan culus ayuu ku leeyahay balse wuxuu go’aansaday inuu mustaqbalkiisa cayaareed kusoo gaba gabeeyo Waqooyiga dalka Mareekanka.
Arturo Vidal – Juventus: 26-jirkan £25million ayaa lagu qiimeeyaa waxaana saxiixiisa isku heestaan kooxaha Bareclona iyo Real Madrid waana xidiga ugu awood badan laacibiinta Serie A-da haatan ka cayaarto.
Paul Pogba – Juventus: 21-jirkan hormar weyn ayuu sameeyay tan iyo markii uu Man United isaga soo tagay waxaana la hubaa inu xagaagan Serie A-da isaga dhaqaaqi doono waxaana ilaa haatan baadi goob xoogan ugu jirto PSG oo lacago badan ku dooneyso.
Mario Balotelli – AC Milan: Super Mario waxaa la filaa inuu Premiership-ka dib ugu soo laaban doono madaama ay Arsenal u gacan haatineyso sidoo kalena naadiga Monaco ayaa mushaar badan u balan qaaday waxaana la rajeynaa inuusan Serie A-da baaqi kusi ahaan doonin.