Home » Maxaa Cusub » 5-laacib Oo La Filaayo inay xulka Colombia koobka aduunka hormuud u noqdaan:

5-laacib Oo La Filaayo inay xulka Colombia koobka aduunka hormuud u noqdaan:


colombia-world-cup-2014

Xulka Colombia waxay koobka aduunka kasoo muuqaan doonaan markii ugu horeesay mudo 16-sano ah balse xulkan ka dhisan qaarada Koonfur Ameerika wuxuu ka mid yahay xulalka la sadaalinaayo inay sanadkan koobka aduunka wacdaro ka dhigi doonaan sidaa darteed waxaan si gaar ah idin kugu soo xulnay 5-laacib oo ay reer Colombia ka sugi doonaan inay guulo gaarsiiyaan inta uu koobka aduuna socdo waxayna kala yihiin:

RADAMEL FALCAO: Waa hogaamiyaha xulkan hadii uu kasoo kabto dhaawaca uu qabo waa hubaal inuu xulkiisa garbaha ku qaadi doono sidoo kalena ka mid noqon doono laacibiinta koobka aduunka ugu wanaagsan.

JAMES RODRIGUEZ: xidigan tayada wanaagsan ee ka tirsan naadiga Monaco waa laacibka loogu jecel yahay xidigaha reer Colombia lana filaayo inuu xagaagan wacdaro koobka aduunka ka dhigo sidoo kalena waa geesi dadaa badan inkastoo uu weli dhalin yar yahay madaama uu 22-jir yahay.

FREDY GUARIN: 27-jirkan awooda badan kana tirsan kooxda Inter Milan wuxuu leeyahay waayo aragnimo ku filan madaama uu xulkiisa ka tirsanaa tan iyo sanadii 2006 sidaa darteed Guarin isaga ayaa furo u noqon doono guusha ay ku taamayaan inay xulkaan gaaraan.

JACKSON MARTINEZ: waa weeraryahan awood badan kana tirsan kooxda FC Porto sidoo kalean la filaayo inuu koobka aduunka wacdaro ka dhigo madaama uu goolal badan kooxdiisa FC Porto u dhaliyay sanadihii ugu dambeeyay.

MARIO YEPES: waa daafaca ugu waaya aragsan xulkan , 38-jirkan ku dhawaa 100-kulan ayuu xulkiisa u cayaaray sidoo kalena horey kooxaha PSG iyo AC Milan ayuu ugu soo cayaaray wuxuuna xulkiisa ka tirsan yahay tan iyo sanadii 2001! sidaa darteed Yepes ka filo inuu xulkiisa dhanka daafaca ka hogaamiyo sidoo kalena uu qaab cayaareed wanaagsan soo bandhigo.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close