Madaama sanadkan koobka aduunka lagu qaban doono qaarada Koonfur Ameerika waxayn Argentina ka mid yihiin xulalka tartankan qiimaha badan loo sadaalinaayo sidaa darteed waxaan idiin soo xulnay xidigaha sida gaarka ah loo aaminsan yahay inay xulkan guulo u horseedi karaan inta uu koobka aduunka socdo waxaana si gaar ah carabka loogu dhuftay 5-xidig oo kala ah:
LIONEL MESSI: labo koob oo kala duwan ayuu ku fashilmay inuu xulkan ka dhex muuqdo sidaa darteed markii 3-aa Messi ma aqbali doono inuu laabto asigoo la hadal heynin hadaba ka filo 26-jirkan sanadkan inuu xulkiisa guulo muhiim ah u horseedo.
GONZALO HIGUAIN: xidigan 12-bilood oo aad u wanaagsan ayuu Napoli lasoo qaatay sidoo kalena dhalintiisa waa mid la isku haleen karo waxaana naga xasuusin ah in sanadii 2010 uu 4-gool tartankan ka dhaliyay sidaa darteed sanadkan diyaar ayuu uu yahay inuu markale xulkiisa goolashiisa ku caawiyo.
PABLO SABALETA: Man City kama maaranto wuxuuna sabab u ahaa inay kooxdan EPL qaado sidaa darteed daafacan tayada wanaagsan ka filo inuu xagaagan xulkiisa siweyn uga dhex muuqdo.
ANGEL DI MARIA: kulamdii isreeb reebka si wanaagsan ayuu xulkiisa ugu cayaaray dhawaana Real Madrid Champion-ka ayuu u qaaday ka filo Di Maria inuu xagaagan Messi siweyn u caawiyo kana mid noqdo xidigaha tartankan ugu wanaagsan.
SERGIO AGUERO: kaliya cilada uu qabo ayaa ah in dhaawacyo lama filaan soo gaaraan hadii inta uu koobka aduunka sodco uu caafimaad taam ah helo waxaa la filaan karaa weeraryahakan awooda badan inuu xulkiisa guulo taariikhi ah u horseedo