Waxaa lagu tilmaamaa cayaaryahanka uu guulaha badan kubada cagta xiligan casriga ah la cayaaro Ryan Giggs ugu dambeyntii kubada cagta ayuu si rasmi ah uga fariistay wuxuuna go’aansaday inuu dhanka macalinimada u weecdo wuxuuna kasii shaqeyn doonaa garoonka Old Trafford asigoo la shaqeyn doono macalin Luis Van Gaal madaama loo magacaabay tababaraha labaad ee kooxda Man United, halyee Ryan Giggs ayaa kubada cagta ka fariistay asigoo heerkii ugu sareeyay ka gaaray waxaana la oran karaa ma jir Giggs maanta wax u dhiman kaliya waxaa u harsaneed maalintan oo kale oo ah inuu macsalaameeyo kubada cagta.
Ryan Giggs markii uu bilaabay cayaarista kubada cagta maba jirin Premier League wuxuuna kooxdiisa Man United u cayaaray in ka badan 1000-kulan asigoo kula guuleestay 34-koob oo heer caalami ah wuxuuna heer aad u wanaagsan soo bandhigaayay 22-sano oo xariir ah balse aadbay u dhibeysaa taageerayaasha Man United in ninka reer Wales uu gabi ahaanba joojiyo kubada cagta waayo Giggs iyo Man United makala haraan wuxuuna kooxdan la qaaday 13-jeer Premiership-ka England, dabcan dunida kubada cagta waxaa kabaxay halyee in badan la tabi doono sidoo kalena maamulka kooxda Man United ayaa Giggs ua mahad celiyeen waayihiisii quruxda badnaa iyo sida uu kooxdan ugu soo halgamay waxayna u rajeeyeen guul wacan dhanka macalinimada.
outletfmlti
August 14, 2014 at 12:40 PM
hermes evelyne replica