Wadanka difaacanaaya koobka aduunka Spain sidoo kalena haatan ah xulka aduunka ugu awooda badan ayaa si rasmi ah usoo bandhigay xidigahooda iyo lambarada ay xiraan doonaan koobka aduunka.
Xuka La Roja lagu naaneeso oo ay tartankan u matali doonaan 23-cayaaryahan ayaa shaaciyay in goolhaye David De Gea uu xiran doono lambarka 12-aad waxaana horey u qaadan jiray Victor Valdes oo koobka aduunka dhaawaca halis ah kaga maqnaan doono.
Sidoo kale Diego Costa ayaa isna xiran doono lambarka 19-aad, halka Cesar Azpilicueta uu isna qaadan doono lambarka 22-aad waxaana horey u qaadan jiray Alvaro Arbeloa oo isagana xagaagan koobka aduunka ka qayb qaadan doonin. Guud ahaan hoos kaga bogo lambarada ay xidigaha Spain xiran doonaan koobka aduunka:
Number | Ciyaariyahan | Koox |
1 | Iker Casillas | Real Madrid |
2 | Raul Albiol | Real Madrid |
3 | Gerard Pique | Barcelona |
4 | Javi Martinez | Bayern Munich |
5 | Juanfran | A. Madrid |
6 | Andres Iniesta | Barcelona |
7 | David Villa | New York City |
8 | Xavi Hernandez | Barcelona |
9 | Fernando Torres | Chelsea |
10 | Cesc Fabregas | Barcelona |
11 | Pedro Rodriguez | Barcelona |
12 | David De Gea | Manchester United |
13 | Juan Mata | Manchester United |
14 | Xabi Alonso | Real Madrid |
15 | Sergio Ramos | Real Madrid |
16 | Sergio Busquets | Barcelona |
17 | Koke | A. Madrid |
18 | Jordi Alba | Barcelona |
19 | Diego Costa | Chelsea |
20 | Santi Cazorla | Arsenal |
21 | David Silva | Manchester City |
22 | Cesar Azpilicueta | Chelsea |
23 | Pepe Reina | Napoli |