Home » Horyaalada » Bundesliga » 2007 Ac Milan Kadib Bayern Munich oo Noqotay Kooxdii Ugu Horeysay Ee Difaacashada Champions League Ku Bilaabata Guul

2007 Ac Milan Kadib Bayern Munich oo Noqotay Kooxdii Ugu Horeysay Ee Difaacashada Champions League Ku Bilaabata Guul


1379444473972_lc_galleryImage_MUNICH_GERMANY_SEPTEMBER_

Iyadoo Xalay uu Si Rasmi ah u bilowday Ueafa Champions League Kooxda Bayern Munich ayaa Ku furtay Guul iyadoo ah Kooxda Difaacaneyso Eufa Champions League waxayna noqoneysaa kooxdii ugu horeysay oo difaacaneyso Koobkaan oo Haddana guul ku furto tan iyo 2007 Markaas oo Ac Milan ay sidaan Camal Sameysay.

Bayern Munich ayaa Xalay Awood u sheegatay Kooxda CSKA Moskow markii ay 3-0 ku dhaaftay, Goolal ka imaadeen  David Alaba, Mario Mandzukic iyo Arjen Robben.

Bishii May ayey aheyd markii Bayern Munich ay hanatay Koobkaan taaso ka dhigeyso inay Noqoto  6 sanno ka dib kooxdii ugu horeysay ee difaacashada Champions League guul ku bilaabatay.

Rikoorkaas oo u Yaalay AC Milan 2007 ma jirin koox kale oo guul ku bilaabatay difaacashada Koobkaan waxaana ay dhamaan kooxihii difaacanayay koobka ay ku soo wada bilowdeen barbaro Manchester United 2008dii, FC Barcelona 2009kii, Internazionale 2010kii, FC Barcelona 2011kii iyo Chelsea sanadkii 2012.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close