Anagoo marwalbo diyaar u ah inaan ka jawaabno codsiga iyo baahida aqristayaasheena ay uga baahan yihiin kooxaha ay taageeraan ama cayaartooyda ay xiiseenayaan maantana waxaan si gaar ah u falanqeyn doonaan kooxda SS Lazio ee ka dhisan dalka Talyaaniga iyo qiimaha ay ku fadhiyaan 11-ka xidig ee kooxdan muhiimka ah, balse marka hore aan si guud uga hadlo dhamaan xidigaha SS Lazio ku sugan. Lazio xili cayaareedkan 2013/14 waxaa u diiwaan gashay 29-cayaaryahan waxaana xusid mudan in 22-ka mid ah xidigahaas aysan u dhalanin dalka Talyaaniga ama ay Ajinabi ku yihiin Lazio tani ayaa ka dhigan in 75% xidigaha ku sugan garoonka Olympico aysan u dhalinin dalka Talyaaniga. Guud ahaan 29-cayaaryahan ee Lazio ku sugan waxay qiimo ahaan ku fadhiyaan €147m. balse waxaan si gaar ah u qiimeyn doonaa 11-ka xidig ee uu tababare Vladimir Petkovic jecel yahay inuu marwalbo lasoo shirtago:
Goolhaye: Marchetti, Federico (30-sano, €13m)
Daafaca: Radu, Stefan (26-sano, €10m), André Dias (34-sano, €1.5m), Konko, Abdoulay (29-sano, €7m), Cana, Lorik (30-sano, €4m).
Khadka dhexe: Ledesma, Cristian (30-sano, €11m), Lulic, Senad (27-sano, €10m), Candreva, Antonio (26-sano, €10m), González, Álvaro Hernanes (28-sano, €7.5m)
Weerarka: Hernanes (28-sano, €25m), Klose, Miroslav (35-sano, €2m)
Qiimaha guud ay ku fadhiyaan: €101m
1) Cabdiftaax, Waa Akhristaha Codsigaan Lahaa Bal Nala Fiiriya Dalabkii uu Soo Qoray Sidii uu ahaa anagoo ka raali gelineyno inaan Kooxo Kale ka hormarinay Maadaama Codsigiisa Laga Horeeyey
( Asc bahda hilkubada ugu horen wan idin salamaya adinka iyo dhamaan bahda hil salan kadib aniga waxan codsadlan lahaa nadiga an katagero italy wa ss.lazio adinko mahadsan iso gudbiya maclumadka kusasabsan nadigas iyo qimaha ciyar towda ujogta mahadsanidin)
2) Najiib Bayern Munich Noo Qora (Waa Lasoo Wadaa)
3) Qaliif Chelsea Hala noo Qora (Waa Lasoo Wadaa)
4) Maxamed Axm Manchester United (Waa Lasoo Wadaa)
5) Van Zank Barcelona (Waa Lasoo Wadaa)