Runtii maqaalkan ayaa inoo noqday mid taxano ah madaama maalin walbo codsiyo farabadan ay nasoo gaarayaan sidaa darteed maantana waxaan si gaar ah uga hadli doonaa 11-ka xidig ee naadiga FC Bayern Munich ku faanto iyo qiimaha ay ku fadhiyaan waayo aqristayaal farabadan ayaa naga soo codsadeen kooxda reer Jarmal macluumaadkeeda inaan usoo gudbino. Marka hore waxaa wanaagsan inaan warbixin guud idinka siino guud ahaan xidigaha garoonka Allianza Arena ku sugan waxaana lagu sheegay tiro ahaan inay gaarayaan 26-cayaaryahan waxayna qiimo ahaan ku fadhiyaan €484m, sidoo kale xidigaha guud ee Bayern ku sugan 12-cayaaryahan oo kaliya ayaa ajinabi ka ah ama Germany u dhalinin taasi ayaa ka dhigan in 46% xidigaha ku sugan Bayern inay ajinabi yihiin, balse maanta waxaan si gaar ah uga hadli doonaa 11-ka xidig ee uu macalin Pep Guardiola jecel yahay inuu kulan walbo kusoo bilaabo iyo qiimaha ay suuqa Yurub xiligan ka joogaan:
Goolhaye: Neuer, Manuel (27-sano, €30m)
Daafaca: Dante (29-sano, €17m), Boateng, Jérôme (25-sano, €20m), Alaba, David (21-sano, €28m), Lahm, Philipp (29-sano, €30m)
Khadka dhexe: Schweinsteiger, Bastian (29-sano, €40m), Alcántara, Thiago (22-sano, €25m), Ribéry, Franck (30-sano, €42m), Götze, Mario (21-sano, €45m)
Weerarka: Müller, Thomas (24-sano, €45m), Mandzukic, Mario (27-sano, €23m)
Qiimaha guud ay ku fadhiyaan: €340m!
Waxaa Aqrisay: (310)
Mogadishu - Somalia