Runtii maqaalkan ayaa inoo noqday mid taxano ah madaama maalin walbo codsiyo farabadan ay nasoo gaarayaan sidaa darteed maantana waxaan si gaar ah uga hadli doonaa 11-ka xidig ee naadiga Barcelona ku faanto iyo qiimaha ay ku fadhiyaan waayo aqristayaal farabadan ayaa naga soo codsadeen kooxda reer Spain macluumaadkeeda inaan usoo gudbino. Marka hore waxaa wanaagsan inaan warbixin guud idinka siino guud ahaan xidigaha garoonka Camp Nou ku sugan waxaana lagu sheegay tiro ahaan inay gaarayaan 25-cayaaryahan waxayna qiimo ahaan ku fadhiyaan €587m, sidoo kale xidigaha guud ee Barcelona ku sugan 9-cayaaryahanoo kaliya ayaa ajinabi ka ah ama Spain u dhalinin taasi ayaa ka dhigan in 36% xidigaha ku sugan Barcelona inay ajinabi yihiin, balse maanta waxaan si gaar ah uga hadli doonaa 11-ka xidig ee uu macalin Tata Martino jecel yahay inuu kulan walbo kusoo bilaabo iyo qiimahahay suuqa Yurub xiligan ka joogaan:
Goolhaye: Valdés, Victor (31-sano, €10m)
Daafaca: Piqué, Gerard (26-sano, €36m), Mascherano, Javier (29-sano, €20m), Alba, Jordi (24-sano, €25m), Dani Alves (30-sano, €20m)
Khadka dhexe: Xavi (33-sano, €15m), Busquets, Sergio (25-sano, €45m), Iniesta, Andrés (29-sano, €65m), Fàbregas, Cesc (26-sano, €45m)
Weerarka: Neymar (21-sano, €50m), Messi, Lionel (26-sano, €120m)
Qiimaha guud ay ku fadhiyaan: €451m!
maxamed axmed
September 22, 2013 at 6:20 AM
sooqora hantida uu leeyahay R V P waad mahadsantihiin
axmed amiir
December 22, 2013 at 4:30 PM
waxani wax saxa maahan yaa qaalisan suarez iyo busqiot