Home » Horyaalada » La liga » 10-Xaqiiqo Oo Ku Saabsan Xidiga Man United La Saxiixan Rabto Ander Herrera (+Video)

10-Xaqiiqo Oo Ku Saabsan Xidiga Man United La Saxiixan Rabto Ander Herrera (+Video)


Andrea

Madaama Man United ay ku guuleesatay saxiixa xidiga khadka dhexe ka cayaaro Ander Herrera sidoo kalena ay ku qaadan doonto £28million waxaan idiin heynaa 10-xaqiiqo oo xidigan dhalinta yar ku saabsan, hadaba hoos kaga bogo macluumaadka xisiha badan ee xidiga u gaarka ah waxaana kasoo xiganay shabakada Express Sport:

1) Herrera wuxuu kubada cagta kasoo bilaabay naadiga Real Zaragoza balse sanadii 2011 ayuu ku biiray kooxda uu aadka u jecel yahay Athletic Bilbao.

2) Xidigan xili cayaareedkiisii ugu horeeyay wuxuu Bilbao u saftay 54-kulan.

3) Xili cayaareedkii 2011/12 Herrera iyo kooxdiisa Athletico waxaa laga qaaday koobabka kala ah Europa League iyo Copa Del Rey oo ay Finaal soo gaareen.

4) Herrera weli xulka Spain kulan uma safanin inkastoo uu Spain usoo matalatay heeraka kala ah 20-jirada, 21-jirada iyo 23-jirada.

5) 24-jirkan gool muran badan ayuu xulka England ee da’dooda ka hooseyso 21-sano ka dhaliyay weliba gacanta ayuu ku dhaliyay tartankii Euro under 21 ee la qabtay sanadii 2011.

6) Man United xagaagii hore ayay xidigan saxiixiisa ku guul dareesatay waxayna ka doorbida Maroune Fellaini.

7) Sedex wakiil oo Man United ka socotay aya xagaagii hore Spain u taktay sidii ay heshiiska Herrera u dhameestiri lahaayeen balse ma suura galin.

8) Herrera aabihiis isagana wuxuu ahaan jiray cayaaryahan khadka dhexe ka cayaaro wuxuuna inta badan usoo cayaaray naadiga Real Zaragoza.

9)Hadii aad taageero u tahay xidigan waxaa kala socon kartaa Twitter-ka ama Instagram-ka dabcan ciwaankiisa waa @anderherrera8.

10) Herrera garoonka Old Trafford horey ayuu uga soo muuqday wuxuuna ka mid ahaa xidigahii kooxda Athletico Bilbao kuwaas oo Man United kaga badiyeen 3-2 wareega 16-aad ee Europa League sanadii 2012.

Ugu Dambeyntii Hoos Ka Daawo Vidoe lagu soo bandhigay wax qabadkiisa wanaagsan xidigan tayada wanaagsan wuxuuna macluumaadkan ku saabsan yahay xili cayaareedkii 2012/13 goolashii uu dhaliyay iyo kubadihii uu dhiibay iyo xirfadiisa cajiibka ah:


Close