Gudiga farsamada UEFA ayaa shaaca ka qaadeen 10-kii ee ugu qurxanaa ee laga dhaliyay xili cayaareedkan koobka horyaalada Yurub.
Hadaba gudiga farsamada UEFA goolkii ugu quruxda badnaa xili cayaareedkan 2014/15 laga dhaliyay koobka Yurub waxay u aqoonsadeen goolkii uu Cristiano Ronaldo ka dhaliyay naadiga Liverpool kulan Real Madrid 3-0 ku badisay qaybta Guruubyada ee tartankan.
Kooxda Barcelona oo Champion-ka ku guuleesatay xidigaheeda 5-gool ayay ku yeeshaan goolashii ugu quruxda badnaa ee Champion-ka xili cayaareedkan laga dhaliyay.
Guud ahaan hoos kaga bogo 10-kii gool ee ugu quruxda badnaa ee xili cayaareedkan Champion-ka laga dhaliyay:
1 Cristiano Ronaldo (Liverpool FC 0-3 Real Madrid CF, 22/10/14)
2 Ivan Rakitić (Juventus 1-3 FC Barcelona, 06/06/15)
3 Lionel Messi (FC Barcelona 3-0 FC Bayern München, 06/05/15)
4 Luis Suárez (Paris Saint-Germain 1-3 FC Barcelona, 15/04/15)
5 Ivan Rakitić (FC Barcelona 1-0 Manchester City FC, 18/03/15)
6 Marco Reus (Galatasaray AŞ 0-4 Borussia Dortmund, 22/10/14)
7 Karim Benzema (Real Madrid CF 5-1 FC Basel 1893, 16/09/14)
8 Lionel Messi (Paris Saint-Germain 3-2 FC Barcelona, 30/09/14)
9 Robert Lewandowski (FC Bayern München 6-1 FC Porto, 21/04/15)
10 Vincent Aboubakar (FC Porto 4-0 FC Basel 1893, 10/03/15)
Sidoo kale waxaa la qiimeeyay laadadkii xorta aha ee ugu wanagsanaa ee xili cayaareedkan Champion-ka laga dhaliyay waxaana ugu qurxanaa kuwa hoos ku qoran laadadka xorta ah ee la dhaliyay:
1 Son Heung-Min (FC Zenit 1-2 Bayer 04 Leverkusen, 04/11/14)
2 Aaron Ramsey (Galatasaray AŞ 1-4 Arsenal FC, 09/12/14)
3 Steven Gerrard (Liverpool FC 1-1 FC Basel 1893, 09/12/14)
4 Casemiro (FC Porto 4-0 FC Basel 1893, 10/03/15)
5 Andrea Pirlo (Juventus 3-2 Olympiacos FC, 04/11/14)