Fifa 2014 World Cup waxaa isugu imaadeen laacibiinta aduunka ugu tayada wanaagsan sidoo kalena qaar badan sanadkan masoo xaadirin sida Ribery, Reus, Falcao, Walcott iyo kuwo kale madaama ay dhaawac ku seegeen sidaa darteed waxaa shaaca laga qaaday 10-ka laacib ee tarankan ka qayb qaadaneyso kuwooda caalamka ugu mushaarka badan, madaama 736-cayaaryahan ay haatan dalka Brazil ku sugan yihiin hadana waxaa si gaar ah loo soo xulay kuwooda ugu mushaarka oo lacago badan ka qaataan kooxaha ay ka socdaan, fadlan hoos kaga bogo xogtaa:
#1 : Wayne Rooney : England : Todobaad walbo wuxuu qaataa (£300,000)
#2 : Lionel Messi : Argentina : Todobaad walbo wuxuu qaataa (£292,000)
#3 : Cristiano Ronaldo : Portugal: Todobaad walbo wuxuu qaataa (£288,000)
#4 : Robin Van Persie : Netherlands : Todobaad walbo wuxuu qaataa (£250,000)
#5 : Yaya Touré : Ivory Coast : Todobaad walbo wuxuu qaataa (£230,000)
#6 : Sergio Aguero : Argentina : Todobaad walbo wuxuu qaataa (£220,000)
#7 : Luis Suarez : Uruguay : Todobaad walbo wuxuu qaataa (£220,000)
#8 : David Silva : Spain : Todobaad walbo wuxuu qaataa (£200,000)
#9 : Eden Hazard : Belgium: Todobaad walbo wuxuu qaataa (£185,000)
#10 : Fernendo Torres : Spain : Todobaad walbo wuxuu qaataa (£175,000)
F.G: Lionel Messi dhawaan ayuu heshiis cusub Barcelona u saxiixay waana loo tixgaliyay markii qiimeyntan sameenayay inkastoo uu Rooney ka mushaar badan yahay hadana Messi looma xisaabinin lacagaha gunada iyo balanqaadka Barcelona u siin doonto kaliya mushaarkiisa todobaadlaha ayaa loo qiimeeyay!