Kadib markii Thomas Muller uu noqday cayaaryahankii ugu horeeyay ee koobka aduunka sanadkan Hat Trick ama sedexley ka dhaliyo sidoo kalena uu xidigan nasiib u yeeshay inuu markii ugu horeesat sedexley dhaliyo asigoo xiran maaliyada xulka Jarmalka wuxuu 24-jirkan ku biiray liiska shaqsiyaadka koobka aduunka ka dhaliyeen sedexleyda aan la iloobi karin sidaa darteed waxan idiin soo xulnay 10-hatrick ama sedexley oo aan marnaba koobka aduunka laga iloobi karin, waxaa naga xasuusin ah in sedexleydii ugu horeeyay koobka aduunka uu ka dhaliyay Bert Patenaude oo u dhashay dalka Mareekanka sanadii 1930, hadaba hoos kaga bogo taariikh ahaan sedexleyda ugu xiisaha badneed ee ebid koobka aduunka laga dhaliyo:
Thomas Muller, Germany, 2014: wuxuu ka dhaliyay xulka Portugal cayaar ku dhamaatay 4-0
Bert Patenaude, USA, 1930: wuxuu ka dhaliyay xulka Paraguay cayaar 3-0 ku dhamaatay.
Ernest Wilimowski, Poland, 1938: wuxuu ka dhaliyay xulka Brazil cayaar 6-5 ku dhamaaatay kadib watigii dheeriga ahaa ee lagu daray.
Just Fontaine, France, 1958: wuxuu 4-gool ka dhaliyay xulka Jarmalkii Galbeed cayaar 6-3 ku dhamaatay.
Geoff Hurst, England, 1966: wuxuu ka dhaliyay xulka Jarmalka Galbeed cayaar 4-2 ku dhamaatay.
Paolo Rossi, Italy, 1982: wuxuu ka dhaliyay Brazil cayaar 3-2 ku dhamaatay.
Tomas Skuhravy, Czechoslovakia, 1990: wuxuu ka dhaliyay Costa Rica cayaar ku dhamaatay 4-1.
Oleg Salenko, Russia, 1994: wuxuu 4-gool ka dhaliyay xulka Cameroon cayaar 6-1 ku dhamaatay.
Gabriel Batistuta, Argentina, 1998: wuxuu ka dhaliyay xulka Jamaica cayaar 5-0 ku dhamaatay.
Gonzalo Higuain, Argentina, 2010: wuxuu ka dhaliyay xulka South Korea cayaar ku dhamaatay 4-1.
F.G: Guud ahaan koobka aduunka waxaa laga dhaliyay 49-Hat trick sidaa darteed waxaan idiin soo xulnay kuwii ugu xiisaha badnaa oo aan marnaba la iloobi karin.