Inta badan dhaawacyada Premiership-ka k dhaceen xili cayaareedkan 2013/14 waxay sababeen in koox walbo ay u dhutiso xidigaha ka maqnaadeen sidaa darteed waxaan idiin soo xulnay 10-xidig oo dhaawac halis ah soo gaareen kuwaas oo maqnaan shahooda siweyn looga tabay Premiership-ka waxaana naga xasuusin ah in laacibiin badan ay mudo dheer garoomada ka maqnaaneed balse si gaar ah waxaan ugu kuur galnay saameynta laacibiita miisaanka culus ku leh Premiership-ka maqnaan shahooda iyo sida kooxahooda looga tabay:
10. Jose Enrique: 8-kulan oo qura ayuu Premiership-ka u saftay kooxdiisa Liverpool.
9. Robert Huth: 12-kulan oo qra ayuu Premiership-ka u saftay kooxdiisa Stoke City.
8. Jan Vertonghen: 23-kulan ayuu Spurs u saftay Premiership-ka.
7. Christian Benteke: 26-kulan ayuu weeraryahankan saftay premiership-ka.
6. Vincent Kompany: kabtankan 27-kulan ayuu kooxdiisa Man City u saftay.
5. Mesut Ozil: 25-kuan ayuu kubad sameeyaha reer Jarmal u saftay Arsenal.
4. Theo Walcott: 13-kulan oo qura ayuu Arsenal u saftay Premiership-ka xidigan tayada wanaagsan.
3. Robin Van Persie: 20-kulan ayuu Premieship-ka kasoo muuqdayo weeraryahanka Man United.
2. Daniel Sturridge: 28-kulan ayuu kooxdiisa Liverpool u saftay wuxuuna ka maqnaaday kulamo xasasi ah
1. Aaron Ramsey: Arsenal la’aatiisa hawada ayay ka baxday wuxuuna xidigan Premiership-ka saftay 22-kulan oo qura.