Kubad sameeye Wesley Sneijder Isniintii aan kasoo gudubnay ayuu u dabaal dagay sanad guuradiisii 30-aad sidoo kalena habeen dambe xidigan waaya araga ah wuxuu u dabaal dagi doonaa kulankisii 100-aad asigoo xiran maaliyada xulka Holland.
xidigan ayaa ku faraxsan in kulanka ugu horeeyo ee xulkiisa koobka aduunka cayaari doono iyo kulankii 100-aad inay isku soo beegmaan wuxuuna doonayaa inuu xulka Spain wacdaro ku dhigo madaama Sneidjer u kulankan qaas u yahay wuxuuna yiri
“qof walbo wuxuu xiiseenayaa inuu daawado Holland Vs Spain anigana kulan xiiso gaar ah ayuu ii leeyahay madaama aan kulankeygii 100-aad cayaari doono sidaa darteed sharaf weyn ayay ii tahay in furitaanka koobka aduunka inaan cayaaro kulan taariikh ii leh”
Xidigan tayada wanaagsan oo haatan ka tisan naadiga Galatasaray ayaa sheegay in sanadka ay macquul tahay wixii ka dambeeyo inuu cayaaraha caalamiga ah macsalaameeyo madaama dhalin badan oo xulka Holland booskiisa buuxin karaan ay soo baxeen wuxuuna ka dhawaajiyay inuu ku dadaali doono sidii uu xulkiisa guulo u gaarsiin lahaa inta uu koobka aduunka socdo wuxuuna yiri
“waa dhacdo taariikhi ah inaan markale koobka aduunka kasoo muuqano inkastoo nasiib daro 4-sano ka hor koobkan nagala qaaday hadana waxaan doonayaa markale inaan dunida ka yaabino sidaa darteed waa inoo muhiim cayaarta noogu horeyso inaan guuleesano inkastoo aan Spain la cayaari doono” xidiga dhirirkiisa yahay 1.70M ayaa xulkiisa Holland u dhaliyay 26-gool asigoo u saftay 99-kulan balse habee dambe ayuu 100-kulan xiri doonaa.