Tababaraha reer France ee leyliya naadiga Arsenal ayaa goor hore oo maantay ah kala cadeeyay sababta ay Robert Pires iyo Thierry Henry ugu sugan yihiin xerada London Cloney ee kooxda Gunners.
Wenger ayaa meesha ka saaray in 40-jirka reer France (Pires) & 36-jirka reer France (Henry) ay dib ugu soo laaban doonaan naadiga marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.
Si Kastaba Wenger ayaa ku cadeeyay arintaan shirkiisii jaraa’id ee ka hor kulanka caawa Champions League ay Marsielle la ciyaari doonaan.
“Waxey jecel aayen iney kusoo laabtaan Arsenal, ku tababartaan, ,markii ay noo imaanayeen, wey sameeyeen, waxey dhiiragaliyaan ciyaartoyda, mana jiraan wax intaas ka badan”
“Ma jirto wax u calaameysan oo hami ah, waxey doonayaan kaliya nafsadooda iney diyaariyaan isla markaana ilaaliyan badqabkooda”
“Waxaa jirta xan yar, balse waan jecelnahay waxaana ugu wacanaa kulan walba si ay noo dhiiragaliyaan, runtii aragooda wixii u xasuusiyaa 2003-2004, waana ii farxad iney ii gudaan abaalkeygii”
Henry ayaa kusoo guuleystay horyaalka Mareykanka iyo sidoo kale Koobka Eastern Conference, sidoo kale Pires ayaa si xor ah ku jooga England madama uu dhamaaday qandaraaskii uu ku joogay Aston Villa.
Ugu dambeyntii Wenger ayaa u cadeeyay in Gunners aysan rajo ka qabin in Pires iyo Henry ay dib ugu soo laabtaan naadiga