Home » Maxaa Cusub » Wayne Rooney Oo Kusoo Laabtay Tababarka United, Lagana Yabo Inuu Safto Kulanka Hull City

Wayne Rooney Oo Kusoo Laabtay Tababarka United, Lagana Yabo Inuu Safto Kulanka Hull City


Wayne Rooney

Weeraryahanka Manchester United Wayne Rooney ayaa kusoo laabtay xerada tababarka ee kooxdiisa kadib markii jimcihii dhaawac ahyaan looga saaray, waxaana laga yaabaa inuu kasoo muuqdo kulanka ugu dambeeya horyaalka xili ciyaareedka ay wajahayaan Hull City 11-ka May.

Rooney ayaa seegay kulankii ay kooxdiisa 1-0 ku garaacday Sunderland ee ka tirsanaa Horyaalka isbuucaan, kadib markii uu xanuun ka dareemay caloosha.

Wayne Rooney ayaa maanta kasoo muuqday xerada tababarka ee AON Training Complex, waxaana laga yaabaa inuu wajaho Hull City isbuuca soo aadan.

Sidoo kale waxaa lasoo idleeyay cabsidii ay xulka England ka qabeen in Rooney uu waayo Koobka Aduunka kaas oo bisha soo aadan ka furmi doona Koonfurta Ameerika.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close