Halyeeygii hore reer Brazil Luiz Nazario De Lima Ronaldo kaas oo ah hogaamiyaha gooldhalinta taariikhda kubada cagta kaas oo 15-gool dhaliyay sadex tartan oo uu ka qeyb galay ayaa ka hadlay rikoorkiisa iyo dadaalka Miroslav Klose.
37-jirkii hore kooxaha Inter Milan, Real Madrid, Barcelona, PSV & Ac Milan ayaa ciyaaraha isaga fariistay goor hore xili uu xulkiisa Brazil ka saaciday iney ku guuleystaan koobkii Aduunka 2002 markaas oo lagu qabtay bariga fog ee Asia wadamada Japan iyo Koonfurta Kuuriya.
Dhanka kale Miroslav Klose oo 35-jir ah ayaa qarka u saaran inuu barbareeyo rikoorka Ronaldo amaba ka saremaro kaas oo 14-gool shabaqa dhexdhigay xili la filayo inuu ka qeyb galo koobka Aduunka ee dhawaan ka dhici doona Jarmalka.
“Klose waa 35-jir waxey aheyd inuu goor hore iska joojiyo ciyaarista kubada cagta” Ayuu ku kaftamay xidigii hore Brazil Ronaldo oo muujinaya inuusan dooneyn in la jabiyo rikoorkiisa.
“Ka Sokow Kaftankeyga, waan ku faraxsanahay waayaheyga ciyaaraha iyo rikoorada aan dhigay, balse waan ogahay in maalin maalmaha ka mid ah la jabin doono rikoorkeyga” ayuu hadalkiisa kusoo xiray Ronaldo.