Home » Horyaalada » La liga » “Waxaan Soo Laaban Doonaa Kulanka Atletico Madrid” Sidaa Waxaa Yiri Neymar JR

“Waxaan Soo Laaban Doonaa Kulanka Atletico Madrid” Sidaa Waxaa Yiri Neymar JR


Neymar

 

Weeraryahanka kooxda Barcelona Neymar JR ayaa kalsooni ku qaba inuu taam u noqon doono kulanka ay kooxdiisa Barca la yeelan doonto hogaamiyayaasha La Liga waana maalinta ugu dambeysa xili ciyareedkaa horyaalka Spain.

Xidigaan reer Brazil ayaa dhaawac uu kasoo gaaray Finalkii Copa Del Rey oo ay Real Madrid 2-1 kaga qaaday kooxda Barcelona waxaana la shaaciyay inuu afar isbuuc garoomada ka maqnaan doono.

Barca ayaa gurigeeda Camp Nou ku marti soori doonta Atletico Madrid 17-ka May 2014 waana kulanka ugu dambeeya horyaalka oo aan la ogeyn wajiga uu yeelan doono, Neymar ayaana rajo ka qaba inuu kulankaas ciyaaro.

“Waan dareemi karaa in waqti dhaw tahay, balse rajadeyda waa inaan ciyaaro kulankaas, ma jecli inaan dhaawacmo mar walba, balse waxaan nasiib ah inaan seegi doonin koobka Aduunka, Sadex isbuuc waan kusoo laaban karaa”

“Waa ii dhibaato inaan banaanka joogo, waxaana donayaa inaan caawiyo Barcelona, waan daawan doonaa kulamada kooxdeyda iyo tababarka kooxda”

Neymar JR ayaa ka mid ah xidigaha isha lagu hayo koobka Aduunka inkastoo uu hogaamiye dhaq-dhaqaaqa u yahay xulka uu hogaamiyo Luis Flippe Scolari ee Brazil.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close