Horyaalka Ingiriiska ayaa galabta lasoo afjari doonaa marka ay 10-ka kulan ee ugu dambeeya ay bilawdaan saacad qura waxaana 90-daqiiqo iyo waqtiyo dheeri ah kadib la ogaan doonaa dhacdooyin muhiim ah oo aan idiin sii carabaabi doono.
Arinta Ugu Muhiimsan ayaa ah in Hanashada Horyaalka uu ka dhaxeeyo kooxaha Manchester City iyo Liverpool, waxaana sahal iyo culees midkey doonto ka dhigi kara kooxaha West Ham iyo Newcastle oo labada koox ay la wada ciyaari doonaan, gari laba nin kama wada qosliso waxaana midkood Sky Blues ama Reds ay u dabaal dagi doontaa hanashada horyaalka.
Hadaba Hordhaca Kulamada Maanta iyo Hamiga Kooxaha ay leeyihiin dhamaan kooxaha 20-ka ah ee ka ciyaara horyaalka Premier League.
Fiiro Gaar ah: Dhamaan Kulamada Horyaalka Ingiriiska ee Maanta waxey soo gali doonaan 5:00 Galabnimo (Xiliga Geeska Afrika).
Cardiff City vs Chelsea F.C.
Kooxda goor hore sii ogaatay iney ka hartay horyaalka heerka koowaa ee Cardiff City ayaa minankeeda kusoo dhaweyn doonta Wiilasha macalin Jose Mourinho kuwaas oo haatan jooga booska Sadexaad.
Booska iyo Dhibcaha:
Cardiff City: Booska 20-aad waxeyna leedahay 30-dhibcood.
Chelsea F.C: Booska 3-aad, waxeyna leedaay 79-dhibcood.
Hamiga Labada Kooxood:
Cardiff Ayaan laheyn wax hami ah, halka Kooxda Blues ay leedahay hamiga kaalinta 2-aad hadii Liverpool looga badiyo iyagana ay ka adkaadaan Cardiff City.
Fulham vs Crystal Palace
Fulham ayaa Graven Gottege ku qaabili doonta kooxda Crystal Palace oo xaqiijisay iney kasii mid ahaaneyso kooxaha heerka koowaad xili ciyaareeda soo aadan, inkastoo Fulham ay goor hore sii ogaatay iney ka hartay horyaalka heerka koowaad.
Booska iyo Dhibcaha:
Fulham ayaa joogta booska 19-aad iyadoo leh 31-dhibcood, Halka Crystal Palace ay ku jirto kaalinta 11-aad iyadoo leh 44-dhibcood.
Hamiga Labada Kooxood:
Labada Koox ayaan laheyn hami sidaa usii dheer, Fulham ayaa kasoo bixi karta booska 19-aad iyadoo imaan karta booska 18-aad mana ahan iney ka badbaadeyso u laabashada heerka labaad.
Hadii Norwich City laga badiyo isla markaana Fulham ay badiso waxey tagi doontaa 34-dhibcood. Halka Crystal Palace ay iyana booskeda joogi doonto xitaa hadii laga badiyo Stoke City oo sadex dhibcood ka sareysa madama farqiga goolasha ay kala fog yihiin wax badan.
Hull City vs Everton
Hull City ayaa ka badbaaday u labaashada heerka labaad iyoo afar dhibcood oo qura u jirta booska looga haro, halka Everton ay xaqiiqsatay booskeeda Shanaad ee Europa League.
Booska iyo Dhibcaha
Hull City ayaa joogta boosak 16-aad iyadoo leh 37-dhibcood, halka Everton ay joogto booska 5-aad iyadoo leh 69-dhibcood.
Hamiga Labada Kooxood:
Hull City ayaa u dhaqaaqi karta booska 12-aad hadii ay guuldarooyin la kulmaan Aston Villa, Sunderland Swansea & West Ham waxaana ay dhamaan ka sareeyaan sadex wax ka yar sadex dhibcood marka laga reebo West Ham.
Everton ayaan ku dhameysan karin meel ka sareysa booskeeda iyadoo 7-dhibcood ka hooseysa Arsenal oo booska afaraad joogta.
Liverpool vs Newcastle United
Kulan Xamaasad gooni ah u leh Liverpool ayaa ka dhici doona Anfield Road iyadoo guul ay gaarto Reds ay ka caawin karto iney hanato horyaalka waase hadii ay guuldaro la kulanto Manchester City oo la ciyaareysa West Ham.
Newcastle iyana boosaska dhexe ayey jiiftaa.
Booska & Dhibcaha:
Liverpool ayaa leh 81-dhibcood iyadoo ku jirta kaalinta labaad ee horyaalka waxeyna 2-dhibcood ka hooseysaa Manchester City. Halka Newcastle United ay leedahay 49-dhibcood iyadoo joogta booska 9-aad ee horyaalka.
Hamiga Labada Kooxood:
Liverpool waxey hami ka qabtaa iney hanato horyaalka Ingiriiska, balse kuma xirna lugteeda inta badan waayo xitaa hadii ay badiso isla markaana City ay badiso ama xitaa ay barbaro gasho waxba u tari meyso guusha inkastoo ay kaliya ku dhameysanayaan booska labaad ee horyaalka Ingiriiska.
Newcastle United qudheeda rajo kama lahan iney meel ka sareyso Booska 9-aad ku dhameysato madama ay 6-dhibcood ka hoseyso booska 8-aad, inkastoo ay lumin karto booskeda 9-aad hadii ay guuldaro la kulanto isla markaana ay guul gaarto Stoke oo laba dhibcood ka hooseysa.
Manchester City vs West Ham United
Manchester City ayaa isha ku heysa iney hanato horyaalkeedii labaad 3-sano gudahood, kaliya hal dhibic ayeyna u baahan tahay si ay ugu dabaal dagto gurigeeda sidii dhacday 2012 markii ay guul waqti dambe timid ka gaareen QPR.
Dhanka kale West Ham United ayaa fadhisa kaalinta 12-aad ee horyaalka iyadoo qaar ka mid ah xidigaha West Ham ay la doonayaan Liverpool iney horyaalka qaado iyagoo ka badinaya Man City.
Booska Iyo Dhibcaha:
Manchester City ayaa hogaamineysa horyaalka iyadoo laba dhicbood ka sareysa Liverpool waxeyna leedahay 83-dhibcood, halka West Ham ay leedahay 40-dhibcood iyadoo joogta booska 12-aad.
Hamiga Labada Kooxood:
Manchester City waxaa sanka u saaran horyaalka Ingiriiska kaliya guul ay gaarto iska daaye waxaa ku filan barbardhac ay la gasho West Ham.
West Ham ma lahan hami dheer, kaliya iney Liverpool caawiso mooyee.
Norwich City vs Arseanl
Norwich City oo goor hore iyana xaqiijisay u laabashada heerka labaad ayaa la ciyaareysa Arsenal oo yana xaqiiqsatay booska afaraad. labada kooxood ayaana laheyn wax dheeraad ah oo ay tiigsanayaan.
Booska Iyo Dhibcaha:
Norwich City waxey fadhisaa booska 18-aad iyadoo leh 33-dhibcood, hadii ay adkaato isla markana West Brom ay lumiso kulanka maanta waxey noqonayaan barbaro dhanka dhibcaha balse farqiga goolasha ayaa aad u badan 17-gool ayaana laga rabaa suurtogalna maahan.
Arsenal waxey leedahay 76-dhibcood, iyana booskeda ma dhaafi karto madama ay 3-dhibcood ka hooseyso Chelsea balse farqiga goolasha oo kala fog kama gali karto xitaa hadii Blues la garaaco.
Hamiga Labada Kooxood:
Sidaan horay ugu soo qeexnay ma jirto wax hami ah oo ay labada koox ka leeyihiin horyaalka, marka laga reebo in boosaskooda ay xaqiijiyeen goor hore.
Southampton vs Manchester United
Southampton ayaa gurigeeda ku qaabileysa Manchester United oo ay u furan tahay iney si mucjiso ah ku hesho booska ugu dambeeya ee Europa League looga aado, madama ay u baahan tahay iney guul gaarto isla markaana guuldaro ay la kulanto kooxda Tottenham Hotspur.
Southampton iyadu kaalinteeda 8-aad shaki kuma jiro kamana dhaqaaqi karto balse waxey dhabar jabin kartaa hamiga mucjisada u baahan ee Manchester United.
Booska Iyo Dhibcaha:
Southampton waxey leedahay 55-dhibcood, iyadoo joogta booska 8-aad, halka Manchester United ay leedahay 63-dhibcod iyadoo sadex dhibcood ka hooseysa booska ugu dambeeya ee Europa League. Madama Hull City ay kooxda kaalinta 7-aad galeysa xaq uga yeelatay iney aado Europa League sabab lagu sababeeyay FA Cup Final oo ay joogto.
Hamiga Labada Kooxood:
Kooxda Manchester United ayaa hamiga ugu weyn leh iyadoo Aston Villa ka rajeyneysa iney garaaacdo Tottenham isla markaana ay iyana garaacdo Southampton si ay usoo uga qeyb gasho Europa League.
Sunderland vs Swansea City
Sunderland ayaa gurigeeda Stadium of Light ku qaabili doonta kooxda Swansea City iyadoo labada kooxood aysan laheyn wax hami sidaas ah oo aan ka aheyn iney kaalin ahaan kala sara maraan.
Poyet ayaa kooxdiisa u suuragaliyay iney xaqiiqsato booskeeda horyaalka Ingiriiska xili ciyaaredka soo aadan kadib guulo uu ka gaaray Man United & Chelsea iyo Sidoo kale barbardhac uu la galay Manchester City.
Booska & Dhibaha:
Kooxda Sunderalnd waxey jiiftaa booska 14-aad iyadoo leh 38-dhibcod, halka Swansea City ay jooto booska 13-aad iyadoo leh 39-dhibcood.
Hamiga Labada Kooxood:
Ma Jiro hami sidaas usii dheer marka laga reebo iney kaalmo ahaan kala sara maraan.
Tottenham Hotspur vs Aston Villa
Waa Fursadii ugu dambeysay ee badbaadin karta mustaqbalka Sherwood madama uu kulankiisa ugu dambeeya White Hart Lane maanta ku ciyaari doono sidoo kalana wa inuu kooxda usoo saaro Europa League si Man United ay u jooto Premier League waana inuu ugu yaraan dhibic ka helaa Aston Villa.
Aston Villa iyadu waxey sii joogi doontaa Premier League, ma jirto sabab ay u dadaasho marka laga reebo iney caawiso Man United maahane.
Booska Iyo Dhibcaha:
Tottenham waxey joogta booska 6-aad iyadoo leh 66-dhibcood, Halka Aston Villa ay joogto booska 15-aad iyadoo leh 38-dhibcodo.
Hamiga Labada Kooxood:
Tottenham ayaa leh hamiga ugu weyn iyadoo dooneysa iney tartamada yurub kasoo muuqato, waxeyna u baahan tahay dhibic qura.
West Bromwich Albion vs Stoke City
West Brom ayaa gurigeeda ku soori doonta Stoke City inkastoo labada kooxood aysan walwal ka qabin u laabasho heer hoose, halka Stoke ay kaliya rajeyneyso iney booska 9-aad ka gasho Newcastle hadii ay ka adkaato West Brom.
Booska Iyo Dhibcaha:
Stoke ayaa joogta booska 10-aad iyadoo leh 47-dhibcood halka West Brom ay joogto booska 17-aad iyadoo leh 36-dhibcood.
GOOLDHALINTA:
Luis Suarez ayey u badan tahay inuu ku guuleysto kabta dahabka gooldhalinta horyaalka Ingiriisak isagoo leh 31-gool, halka xidiga kusoo xiga ee Sturridge uu leeyahay 21-gool.
Hadaba Horyaalka Ingiriiska galabta ayaa lasoo afjari doonaa, mar walbana waxaan idiinla diyaar nahay inaan idiin soo gudbino xaalada ugu dambeysa ee dhacdooyinka kubada cagta.