Inkastoo aysan wax ka qabasho laheyn inaad muujiso ka xumaan ama caloolyow waa qeyb ka mid ah weyneynta shaqsiyadda qofka dhiban waxaana talyaaniga ay la xanuunsanayaan dhaawac soo gaaray Kubad sameeyaha Milan ahna kabtanka kooxda kaas oo dhaawac uu kasoo gaaray kulan saaxiibinimo oo Ireland ay barbaro la galeen xalayto.
Wargeyska La Gazzetta dello Sport oo ka mid ah wargeysyada ugu afka dheer dalka talyaaniga ayaa diyaariyay qormooyin uu ku muujiyay naxditiinsa ku aadan dhaawaca Montolivo iyo wararkii kale suuqa kala iibsiga talyaaniga.
“Montolivo, “Alla Maya” ayuu ka yiri dhaawaca soo gaaray kubad sameeyaha xulka Talyaaniga iyo kooxda Milan Riccardo Montolivo kaas oo ka jabay shanshada.
Sidoo kale wararkii kale ee uu qoray waxaa ka mid ah:
⇒ Maqnaashaha Montolivo wuxuu iftiin u yahay Da’yaka PSG MarcoVerratti.
⇒ Juventus oo aan u dhaqaaqeynin saxiixa burburiyaha Inter Milan Freddy Guarin
⇒ Sidoo kale Juve oo ceyrsaneysa da’yarka Real Madrid Alvaro Moratta.
⇒ Pippo Inzaghi oo la kulmay Silvio Berlusconi.
Si kastaba Clerence Seedorf ayaa xaqiijiyay inuusan ka hadleynin mustaqbakiisa mugdiga la galinayo iyadoo la diyaarinayo badalkiisa.