Sida ay shaacisay majaladda maalinlaha ah ee dalka faransiiska kasoo baxda L’Equipe kooxda Paris Saint Germain ayaa heshiis la gaartay daafaca dambe ee xulka Brazil iyo Kooxda Barcelona Dani Alves isagoo xili ciyaareedka soo aadan kasoo muuqan doona PSG.
Xidigaan reer Brazil ayaa la hadal hayay mudooyinkii lasoo dhaafay inuu ka hayaami doono Camp Nou madama heshiiskiisa uu kaga haray 12-bilood oo qura.
Si Kastaba Jariiradda Spain kasoo baxda Marca oo xiganeysa L’Equipe ayaa warkaan maanta shaacisay iyadoo sidoo kale Barca ay ka tagitaankooda xaqiijiyeen Puyol iyo Valdes.
Si Kastaba macalin Tata Martino ayaa qudhiisa ka tagi doona kooxda inkastoo la hadal hayo in loo dhiibo xilka xidigii hore Barca Luis Enrique, waana inuu raadiyo badalka Dani Alves.
Dhowr jeer oo ay kulmeen maamulka Barca iyo Dani Alves ayaan waxba ka suuragalin madama xidigaan la filayay inuu heshiis cusub saxiixo.
ahmed
May 10, 2014 at 1:59 PM
Waa arin dhabar jab ku ah barcelona