Tababare Louis Van Gaal ayaa loo badinayaa inuu qabto xilka tababaranimo ee kooxda Manchester United kadib koobka Aduunka, iyadoo qoyska Glazers ay qarash gareyn doonaan in ka badan £150 Malyan taas oo dib u habeyn loogu sameyn doono kooxda marka uu furmo suuqa kala iibsiga.
Macalinkaan reer Holland ayaa la filayaa inuu naadiga kusoo kordhiyo tiro xidigo ah oo awood u yeela kooxda waxaana la filayaa in Manchester United ay kusoo shirtagto 11-xidig oo kuwa haatan jooga kaliya lagu saa’idiyay Lix ama Afar xidig.
Qaab Ciyaareedka kooxda ayaa durba is badalay iyadoo Manchester United ay caan ku noqotay sanadihii ugu dambeeyay laba qaab ciyaareed [4-4-2] iyo 4-2-3-1] balse Van Gaal ayaa isticmaali doona [4-3-3] waana qaabka ugu casrisan oo ay ciyaaraan kooxaha ugu waaweyn qaarada yurub xiligaan.
Edinson Cavani, Luke Shaw, Kevin Strootman iyo Matts Hummels ayaa lagu soo saa’idiyay waxaana sidoo kale aan meesha ka marneyn Toni Kroos iyo Marco Reus oo iyaguna macquul noqon kara.
YAA IMAAN DOONA:
EDINSON CAVANI:
Kooxda: Paris Saint Germain, Qiimaha: £55m ilaa £60m
Mustaqbalka Edinson Cavani ee magaalada Paris ayaan sal laheyn waxaana loo badinayaa inuu ka tagi doono kooxda taasna waxey Van Gaal u sahleysaa inuu soo xero galiyo xidigaan reer Uruguay.
27-jirkaan ayaa qudhiisa doorbidaya inuu ka ciyaaro horyaalka Ingiriiska.
Hadii Van Gal uu ku guuleysto gacan ku heynta Manchester United Edinson Cavani ayaa xiran doona maaliyada Red Devils isagoo weerarka dhexe ciyaari doona.
LUKE SHAW
Kooxda: Southampton, Qiimaha: £30m
Daafaca Bidix ee kooxda Southampton ayaa mudo badan bartilmameed u ahaa kooxdaan waxaana warar hor leh oo soo baxay bartamaha bishaaan ay sheegeen in Man United ay ka dulqaaday saxiixa xidigaan kooxaha Chelsea iyo Man City.
Da’yarkaan xulka England ayaa ciyaari doona daafaca bidix ee Man United sida shaxda lagu soo bandhigay.
MATS HUMMELS
Kooxda: Borussia Dortmund, Qiimaha: £30m
Waa halbowlaha la filayo ee kooxda Man United dhanka daafaca iyadoo Van Gaal uu ka taqalusi doono Rio Ferdinand inkasto Vidic uu kooxda ka tagi doono.
25-jirkaan ku wanaagsan ka ciyaarida daafac dhexe ayaa isna lagu daray liiska wuxuuna daafaca dhexe la wadaagi doonaa Phill Jones oo kusoo baxay geesi la isku haleyn karo.
KEVIN STROOTMAN
Kooxda: AS Roma, Qiimaha: £17m
Kubad sameeyaha reer Holland kaas oo haatan dhaawac kaga maqan kooxdiisa ayaa saaxiib dhaw la ah tababaraha xulka Holland Kevin Strootman wuxuuna dhexda la wadaagi doonaa Micheal Carrick oo isaguba da’du ay heyso.
Kevin Strootman ayaa kaliya hal xili ciyaareed udub dhexaad u noqday kooxda Roma isagoo kaga soo biiray PSV Eindhoven.
YAA KUSII NAGAAN DOONA BOOSASKOODA:
Macalin Van Gaal ayaa kooxda kasii deyn doonin tiro xidigo ah oo haatan ka mid ah kuwa safka hore waxaana hogaanka u haya weeraryahankooda reer England Wayne Mark Rooney, iyo sidoo kale:
Rafael
Phill Jones
Juan Mata
Micheal Carrick
Robin Van Persie
Dhanka kale waxaa suuragal laga dhigay in lagu soo daro liiskaan Toni Kroos iyo Marco Reus hadii xidigaha khadka dhexe ay u baahnaadan in la adkeeyo.
Ahmad newyork
April 28, 2014 at 9:57 PM
Wa war lagu farxo degea,rafael,shaw,humels,rio,carick,strootman,lallana,nani,cavani