Home » World Cup 2014 » Warbixin: Manchester United Oo Chelsea Ka Afduubaneysa Saxiixa Cesc Fabregas

Warbixin: Manchester United Oo Chelsea Ka Afduubaneysa Saxiixa Cesc Fabregas


fabregas

Manchester United ayaa ku warantay iney qaadeyso talaabadii ugu dambeysay oo ay Saxiixa Fabregas kaga soo afduubaneyso kooxda ay Premier League ku xifaaltamaan ee chelsea.

Kubad sameeyahaan reer Spain ayaa 98% la filayaa inuu ka hayaamo kooxda Barcelona ee ku ciyaarta Camp Nou waxaana saf ugu jira kooxaha Premier League oo ay ugu horeeyaan kooxdiisii hore Gunners difaacdayaasha horyaalka Manchester City balse hadal heynta ugu badan waxey ku wajahan tahay inuu xidigaan ka dagi doono Stamford Bridge.

Chelsea ayaa ku warantay iney ku dhawdahay saxiixa 27-jirkaan sidoo kalana waxaa jiray hadalo ay saxaafadu ka xaday daafaca ahna saaxiibka ugu dhaw ee kooxda Barcelona Pique kaas oo si qarsoodi ah tababaraha Spain Del Bosque ugu sheegaya in Fabregas uu ku wajahan yahay Blues.

Si Kastaba warbixino ka imaanaya Magaalada Manchester isla markaana lagu shaaciyay Twitter-ka ayaa qeexaya in Manchester United ay sameyneyso talaabadii ugu dambeysay oo ay kusoo xerogalineys Fabregas.

Louis Van Gaal ayaa xushmad u haya xidigaan heerka caalami waana mid ka mid ah xidigaha aadka u garanaya qaab ciyaareedka horyaalka Premier League madama uu ku sugnaa 8-sano.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close