Home » Maxaa Cusub » Warbixin: Kooxda Chelsea Oo Heshay Badalka Saxda Ah Ee Kabtan John Terry

Warbixin: Kooxda Chelsea Oo Heshay Badalka Saxda Ah Ee Kabtan John Terry


Stones

Kooxda Blues ayaa dooneysa iney heshiis 12 Malyan ah la gaarto kooxda Everton si ay uga soo qaadato daafaca da’da yar ee reer England John Stones ka hor koobka Aduunka sida ay tilmaamayaan warbixino ka imaanaya galbeedka magalada London.

19-jirkaan heerka caalami ayaa so bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kadib markii uu wiilasha macalin Robert Martinez kala qeyb qaatay dagaalka ay u galeen kasoo muuqashada Europa League xili ciyaareedka soo aadan.

John Stones ayaa lagu daray liiska dhaxal sugayaasha koobka Aduunka ee Brazil ka dhici doona macalinka Xulka England ayaana doonaya inuu badal kaga dhigo Phill Jones hadii uu taam u noqon waayo koobka Aduunka.

Si Kastaba Blues ayaa diyaar u ah iney soo xerogaliso Stones ka hor koobka Aduunka, waxeyna rajeyneysaa in dalabka 12-ka Malyan ay aqbali doonto kooxda Everton sida ay shaacisay The People.

John Stones ayaa kusoo biiray Everton January 2013 isagoo 3 Malyan kaga yimid kooxda Bransley.

Xigasho:

Sportsmole.co.uk

http://www.sportsmole.co.uk/football/chelsea/transfer-talk/news/report-chelsea-eye-gbp12m-move-for-stones_155618.html

 

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close