Home » Horyaalada » La liga » Daily Mail: Heshiiskii Barcelona & Lionel Messi Ee Lagu Balaarin Lahaa Qandaraaskiisa Oo Burburay

Daily Mail: Heshiiskii Barcelona & Lionel Messi Ee Lagu Balaarin Lahaa Qandaraaskiisa Oo Burburay


Lionel Messi

Sida ay shaacisya Dialy Mail kanaalka ay sida gaarka ah u leedahay Kooxda Barcelona  Esport3  ayaa ku waramay in wahadaladii lagu balaarinayay heshiiska Lionel Messi uu burburay.

Warbixinta ayaa intaas ku dareysa in kooxda ka dhisan gobolka Catalan-ka ay ku dhawdahay iney iska iibiso xidigaan heerka caalami ee dalka Argentina kaas oo ay doonayaan kooxaha Manchester City iyo Paris Saint Germain.

Lionel Messi ayaa heshiiska uu kula jiro kooxda Barca wuxuu dhacayaa 2018 waxaana lagu jabin karaa heshiiskiisa 250 Malyan inkastoo uu mushaar ahaan u qaato isbuucii £250,000.

Saxaafadda Dalka Spain ayaa hurineysa xaalada ka taagan magaalada Barcelona iyagoo mar walba dhaleeceynaya Lionel Messi kuna tilmaamaya inuu masuul ka yahay guuldarooyinka kooxda madama kooxda ay sadex guuldaro oo xiriir ah ka heshay Atletico Madrid, Granada iyo Real Madrid sadex tartan oo kala duwan.

Xili Barca ay ku taameyso iney balaariso Camp Nou ayey kusoo aaday xaaladaan waxaana la filayaa in Lionel Messi uu ka tago Barca mustaqbalka dhaw

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close