Wararkii Ugu Dambeeyay Xanta Suuqa Kala Iibsiga & Warar Goos-Goos Ah
Waxaa Qoray: Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"
Taariikhda: May 7, 2014

Maanta oo arbaca ah ayaan jecelnahay inaan idiin soo koobno wararkii ugu dambeeyay ee ay qoreen wargeysyada kubada cagta iyagoo ah qaab goos-goos ah.
- Kooxda Napoli oo rajo wanaagsan ka qabto inay goolhaye Pep Reine sii heesato inkastoo LIverpool milkiyadiisa leedahay.
- Arsenal oo xariir toos ah la sameesay wakiilka Mario Gotze oo aad uga careesay qaabka uu macalin Pe Guardiola xili cayaareedkan ula dhaqmay.
- Jack Wilshere oo rajo wanaagsan ka qabo inuu safto kulanka axada kooxdiisa Arsenal la cayaari doonto naadiga Norwich madaama uu kasoo kabtay dhaawacii uu qabay.
- Real Madrid ayaa si lama filaan ah shaaca uga qaaday inay dooneyso daafaca naadiga Arsenal Laurent Koscielny.
- Liverpool oo saraakiil u dirtay dalka Spain si ay qiimeyn ugu soo sameeyaan weeraryahanka naadiga Real Sociedad Antoine Griezmann.
- Arsenal iyo Man City oo kusoo bireen loolanka loogu jiro Javi Martinez oo laga cabsi qabo inuu Bayern Munich xagaagan isaga hayaamo.
- Andrea Pirlo oo shegay inuu weli kubada ku raaxeysanaayo sidoo kalena uusan diyaar u ahayn inuu cayaaraha isaga fariisto.
- Macalinka naadiga Hull City Steve Bruce oo ugu baaqay Ryan Giggs inuu Huul kusoo biiro madaama uu cayaarsiin doono sidoo kalena shaqo kale u haayo!
- Macalin Arsene Wenger ayaa xaqiijiyay in Kim Kallstrom uu Arsenal isaga tagi doono marka uu xili cayaareedkan dhamaado.
- Macalin Seedorf oo ka deyriyay mustaqbalkiisa Milan madaama u kalsooni ka waayay maamulka Milan.
- Macalin Antonio Conte oo ku fikiraayo inuu Juventus isaga tago waxaana lala xariirinaa xilka naadiga AS Monaco.
- Thiago Motta oo doonayo in Pogba iyo Pirlo ay PSG xagaagan usoo dhaqaaqaan.
- Daafacii hore ee xulka England iyo naadiga Chelsea Wayne Bridge oo si rasmi ah cayaaraha uga fariistay asigoo 33-jir ah
- Goolhayaha naadiga Atletico Thibaut Courtois balse milkiyadiisa leedahay Chelsea ayaa ka codsaday Blues in naadiga Barcelona laga iibiyo!
- Inter Milan oo wada hadal rasmi ah la furtay Obi Mikel si ay xagaagan ula saxiixato.
- Man United oo Arsenal kula soo biirtay loolanka loogu jiro saxiixao weeraryahanka naadiga Hoffineham Kevin Volland kana tirsan xulka Jarmalka ee da’dooda ka hooseyso 21-sano.
- Naadiga Everton ayaa qorsheneyso inay James Milner kasoo iibsato dhigeeda Man City.
- Kooxaha Liverpool & Southampton oo ku dagaalamayaan saxiixa daafaca naadiga Cardiff City Steven Caulker madama ay kooxdiisa heerka labaad dib ugu laabatay.
- Kooxda Dortmund ayaa ka dul qaadi rabto Arsenal saxiixa weeraryahanka naadiga Swansea City Wilfried Bony.
Like this:
Like Loading...