Tababare Jose Mourinho ayaa xaqiijiyay inuu xiiseynayo saxiixa kubad sameeyaha Barcelona Cesc Fabregas sida ay qortay Daily Mail maanta.
Sida ay warbixinta tilmaameyso Cesc Fabregas ayaa ku dhaw ku biiritaanka Blues madama ay kaamirada qabatay daafaca Barcelona Gerard Pique oo tababare Del Bosque si hoose ugu sheegaya in heshiiska Fabregas ee Chelsea uu dhamaaday isla markaana uu kooxda Catalan ka tagay iyadoo heshka uu kaga tagay Barca uu yahay £ 26.8 Malyan.
Jose Mourinho ayaa doonaya inuu sadex sano kadib dib ugu soo celyiyo Fabregas Premier League waxeyna mushaar ahana u balan qaadeen isbuucii 200,000.
Sidoo kale Hazard ayaa isna la siin doonaa 200,000 kun isbuucii si uu isaga indho tiro dalabka kaga imaanaya kooxda Paris Saint Germain.
Pique ayaa la hadlay tababare Del Bosque isagoo dhoola cadeynaya: “(Fabregas) isaga ayaa ii sheegay in wax walba dhamaadeen wuxuuna kooxda kaga tagay 33 Malyan Oo euro oo u dhiganta 26.8 Malyan Oo Pound”
Tababare Del Bosque ayaan ku faraxsaneen in warkaas uu noqdo mid dadka dhan ay wada maqlaan wuxuuna intaas ku daray Del Bosque iney cadaalad daro tahay in la xado wadahadalkeena.