Home » Maxaa Cusub » Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga & Waxyaabihii Ay Qoreen Wargeysyada Ingiriiska

Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga & Waxyaabihii Ay Qoreen Wargeysyada Ingiriiska


Wargeys1

Maalin Wanaagsan dhamaan akhristayaasha Shabakadda Hiilkubad, Waa Khamiis waxaana mar walba jecelnahay inaan idinla socodsiino wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga iyo waxyaabihi ay qoreen wargeysyada ingiriiska oo aad mar walba kala socotaan Shabakadda.

Ogow Shabakadda masuul kama ahan xaqiiqda wararkaan, madama aan xigasho sameynay waxaana kasoo xiganay wargeysyada iyo website-yada ku hor qoran.

Kaliya waxaan leenahay awooda turjumaanta, una fahan inaan gudbinay warar ay qoreen saxaafada caalamka.


Atletico Madrid ayaa xaqiijisay iney heshiisyo cusub ka saxiixday Juanfran oo ay dooneysay Arsenal iyo Koke oo ay doonayeen Barcelona iyo Manchester United.

Sida ay qortay: Daily Mirror

Kooxdaha Arsenal iyo Manchester United oo dagaalkii ugu dambeeyay uu ku dhexmari doono saxiixa Alexis Sanchez oo ka tirsan kooxda Barcelona

Sida ay qortay: Daily Mail

Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa beeniyay wararka la xiriirinaya kooxdiisa weeraryahanka Milan Mario Balotelli

Sida ay qortay: Daily Mail

Manchester City oo qarka u saaran iney la saxiixato kubad burbruiyaha kooxda F.C. Porto Fernando kaas oo lagu wado inuu kasoo dago magaalada Manchester si uu caafimaad ugu maro

Sida ay qortay: The Sun

Kooxda Arsenal oo diiday dalabkii ay Manchester United ku dooneysay daafaca kabtanka u ah Thomas Vermalean

Sida ay qortay: Daily Star

Javier Hernandez ayaa doonaya inuu ka tago Manchester United marka uu dhamaado Koobka Aduunka

Sida ay qortay: Daily Express

Kooxaha Arsenal iyo Liverpool ayaa ku dagaalamaya saxiixa daafaca Sevilla Federico Fazio

Sida ay qortay: Daily Star

Kooxaha Manchester City, Tottenham & Liverpool oo si wadajir ah ugu dhaqaaqay kubad sameeyaha kooxda Valencia Juan Bernat

Sida ay qortay: talkSPORT

Hull City oo oo dooneysa iney wadahadal la gasho Tottenham Hotspur iyadoo kala hadleysa xaalada kabtankooda Micheal Dawson

Sida ay qortay: Evening Standard

Kubad sameeyaha kooxda Tottenham Hotspur ayaa bogiisa twitter-ka ku cadeeyay inuu doonayo ka tagitaanka White Hart Line

Sida ay qortay: The Sun


WARARKA KALE EE AY QOREEN SAXAAFADA ADUUNKA

 Napoli oo wali dooneysa weeraryahanak Swansea City MICHU

⇒ Wakiilka xidiga Fiorenitna Ilicic oo beeniyay wararka la xiriirinaya xidigaan kooxda SS Lazio

⇒ Koke oo doonaya inuu sanado badan sii joogo kooxda Atletico Madrid

⇒ Tababare Del Bosque oo sii joogi doono ilaa 2016 isagoo hogaamin doona Euro 2016 xulka Spain

⇒ Inter Milan oo u dhaqaaqday soo xero galinta burburiyaha Barcelona Alex Song

⇒ Xiriirka Honduras oo shaaciyay in tababare Suarez uu shaqada ka tagay

⇒ Tababare Carlos Quieroz oo shaqada ka tagay

⇒ Sunderland oo dooneysa iney si rasmi ah ula wareegto Fabio Borini

⇒ Jese Rodrguez oo diidan inuu amaah uga tago kooxda Real Madrid

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Close