Home » Horyaalada » La liga » Wararkii Ugu Dambeeyay Maanta Oo Jimco Ah Ay Qoreen Wargeysyada Dalka Ingiriiska Kasoo Baxa

Wararkii Ugu Dambeeyay Maanta Oo Jimco Ah Ay Qoreen Wargeysyada Dalka Ingiriiska Kasoo Baxa


Wargeys

Maanta oo Jimco ah iyo waxyaabihii ugu dambeeyay oo ay wargeysyaada ingiriiska ka qoreen kubada cagta ayaan jecel nahay inaan idiin soo koobno, inkastoo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda qaarada yurub uu xiran yahay hadana koox walba waxey u sii udubyo aruursaneysaa furitaanka suuqa oo furmaya bisha June ee soo aadan.

Wararkaan aan idiin soo qornay xaqiiqnimadooda masuul kama nihin, kaliya waxaan kasoo minguurinay wakaaladaha iyo wargesyayda ku hoos qoran iyaga ayaana leh xuquuqda wararkaan.

Kaliya Hiilkubad.com, waxey leedahay turjumaada wararkaan oo ku qornaa afka qalaad.

Manchester City ayaa kalsooni ku qabta iney 20 Mayan Oo Euro kula soo saxiixan doonto xidiga khadka dhexe F.C. Porto Fernando.

Sida ay qortay: Daily Mirror

Jose Mourinho ayaa diyaar u ah inuu iska iibiyo David Luiz si ay kooxda lacago u hesho sidoo kale Eded Hazard ayuu doonaya inuu ka ilaashado PSG.

Sida ay qortay: Daily Mirror

Luis Suarez ayaa go’aansaday inuu sii joogo kooxda Liverpool isagoo iska diiday dalab kaga yimid kooxda Real Madrid ee dalka Spain.

Sida ay qortay: Daily Mirror

Kubad sameeyaha Tottenham Hotspur Paulinho ayaa la filayaa inuu xili ciyaaredka soo aadan ku biiro Chelsea lacag ka yar lacagihii uu sanad ka hor ku yimid White Hart Lane.

Sida ay qortay: Daily Mirror

Louis Van Gaal ayaa loo magacaabi doonaa macalinka Manchester United isbuuca soo aadan Patric Kulivert ayaana noqon doona macalinka labaad.

Sida ay qortay: Daily Mirror

Ashley Cole iyo Frank Lampard ayaa la filayaa iney qeyb ka noqdaan 23-ka xidig ee koobka Aduunka u matali doona Xulka England.

Sida ay qortay: Daily Mirror

Manchester United iyo Manchester City oo ku tartamaya Saxiixa Kubad Sameeyaha Kooxda Barcelona Cesc Fabregas kaas oo Jamaahiirta kooxda ay ugu codeen in la iibiyo.

Sida ay qortay: Metro

Manchester City oo isku diyaarineysa iney Man United, PSG iyo Real Madrid kula tartanto kubad sameeyaha da’da yar ee Juventus Paul Pogba.

Sida ay qortay: Express

Kooxda Blues ayaa dooneysa iney Hakan Calhanoglu kusoo biiriso Stamford Bridge xili ciyaareedka soo aadan.

Sida ay qortay: Daily Mail

Liverpool ayaa ka faa’ideysaneysa qilaafka baahsan ee ka dhex taagan Newcastle United iyo Haten Ben Arfa iyadoo xidigaas reer France dooneysa.

Sida ay qortay: Metro

Iago Aspas ayaa dib ugu laaban doona kooxdiisii hore Celta Vigo waliba qaab amaah ah.

Sida ay qortay: Inside Futbol

Kooxda Blues ayaa heshiis rasmi ah la gaartay weeraryahanka Atletico Madrid Diego Costa.

Sida ay qortay: The Sun


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close