Wararka Subaxnimo Ee Goos Gooska Ah [Ogow Wax Walba Oo Ku Saabsan Kubada Cagta
Waxaa Qoray: Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"
Taariikhda: May 10, 2014

Waa Sabti, waxaana jecelnahay inaan idiin soo koobno macluumaadkii ugu fiicnaaa iyo qormooyinkii laga qoray xanta kubada cagta, iyadoo ay taasi dheer tahay in macluumaadkaan aan koobid kusoo sameynay.
Si Kastaba Ogow Wax Walba Oo aadan la socon.
- Naadiga Arsenal ayaa qiratay in looga guuleesan rabo saxiixa weeraryahanka naadiga Torino Ciro Immobile madaama ay Dortmund xidigan ku iibsan rabo €19m.
- Arsenal ayaa ku fikireyso inay £8m kusoo iibsato daafaca naadiga AC Milan Adil Rami balse milkiyadiisa leedahay naadiga Valencia.
- Patrice Evera oo aan weli go’aan ka gaarin halka uu mustaqbalkiisa cayaareed ahaan doono.
- Macalin Jose Mourinho oo diyaar u ah inuu baryo goolhaye Courtois si uu xagaagan Chelsea dib ugu soo laabto!
- Barcelona oo dib usoo nooleesay rajada ay ka qabto saxiixa Koke balse kooxdiisa Atletico Madrid waxay dul dhigtay €60m!
- Kooxda Atletico Madrid oo shaaca ka qaaday inay daafaceeda Miranda ka iibin doonto naadigii la timaado €20m waxaana ku raad joogaan kooxaha Barcelona iyo Chelsea.
- Thomos Muller oo beeniyay inuu heshiis hordhac ah la gaaray naadiga Barcelona inkastoo saxaafada Spain warkaan baahiyeen.
- Man United oo sheegtay inay Javier Mascherano saxiixiisa u weecatay kana codsatay Barcelona in qiimahiisa loo sheego.
- Bayern Munich oo kusoo biirtay loolanka loogu jiro xidiga naadiga Hamburg Hakan Calhanoglu kaasi oo ay ku raad joogaan Chelsea, Atletico Madrid, Liverpool iyo Arsenal.
- Kooxaha Liverpool iyo Chelsea ayaa isku heestaan saxiixa daafaac naadiga Fenerbahce Caner Erkin.
- Kooxda Valencia ayaa sheegtay inay lasoo wareegi doonto Dani Osvaldo oo Juve amaah kula joogo balse milkiyadiisa leedahay naadiga Southampton.
- Shinji Kagawa oo go’aankiisa badalay diyaarna u ah inuu Man United sii joogo.
- Barcelona oo ku fikireyso inay booska Dani Alves galiso Bacary Sagna oo Arsenal isaga tagi doono.
- Naadiga AS Monaco oo aad ugu dhow inay Ashley Cole heshiis la gaarto madaama ay u balan qaaday heshiis 2-sano ah oo uu ku qaadan doono £12m!
- Tottenham oo sheegtay inay rajo wanaagsan ka qabto inay £12 million ku iibsato Javier Hernandez.
Like this:
Like Loading...