Home » Horyaalada » La liga » Wararka Subaxnimadan Ugu Waaweyn Suuqa Kala Iibsiga Oo Goos Goos Ah

Wararka Subaxnimadan Ugu Waaweyn Suuqa Kala Iibsiga Oo Goos Goos Ah


kan

Waa Subaxnimo Axad ah 11-ka May, waxaan idiin soo koobnay wararkii ugu waaweynaa ee suuqa kala iibsiga iyo xanta kubada cagta, inagoo akhristayasheena ugu tala galnay iney wax ka ogaadaan wax walba oo ku saabsan kubada cagta.

  • Diego Costa oo tababar la qaatay kooxdiisa Atletico Madrid  balse shaki ayaa ku jiro inuu kulanka caawo ee Malaga safan karo.
  • Tababaraha Liverpool Rodgers oo wacad ku maray marka uu heshiiska cusub saxiixo inuu kooxdiis kusoo biirin doono xidigo tayo wanaagsan oo ay ugu horeeyaan Adam Lallana, Javier Mascherano, Ashley Williams iyo  Alessio Cerci oo Torino weerarka kaga cayaaro.
  • Inter Milan oo dib usoo nooleesay saxiixa Fernando Torres.
  • Macalin Gus Poyet oo 46-jir ah kaa bad baadiyay naadiga Sunderland inay heerka labaad ku laabato ayaa haatan siweyn loo hadal hayaa inuu hogaanka West Ham United la wareegi doono.
  • Wakiilo Mario Balotelli oo beeniyay in xidigan uu Milan xagaagan isaga tagi doonin kooxdiisa.
  • Tababaraha xulka Cesar Prandelli oo saxaafada u sheegay inuu ku fikiraayo Premiership-ka ka xamaasho mustaqbalka dhow.
  • Cristiano Ronaldo oo aaminsan in xagaagan koobka aduunka ay ku guuleesan doonaan xulka Brazil ama Spain midkood.
  • Naadiga Roma oo kusoo biirtay loolanka loogu jiro saxiixa Sami Khedira waxayna doonaysaa inay ka dul qaado kooxaha Chelsea iyo Man United oo xidigan xiiso u qabaan
  • Kooxda Bayern Munich ayaa si rasmi ah Man United uga digtay inay la hadasho Toni Kroos iyo Thomas Muller madaama Bayern ay sheegtay in labadan xidig aysan beec ahayn.
  • Inter Milan oo si rasmi ah u sheegtay inay dooneyso Valon Behrami oo khadka dhexe Napoli uga cayaaro.
  • Tottenham oo saxiixa Loic Remy kaga guuleesan rabto naadiga Arsenal.
  • Barcelona oo sheegtay in horaanta bisha June ay si rasmi ah ula soo saxiixan doonto Inigo Martinez oo daafaca kaga cayaaro Real Sociedad iyo Juan Cuadrado oo Fiorentina ka tirsan.
  • Rasmi naadiga Bordeaux ayaa labo sano oo heshiis ah u bandhigtay macalin Zidane hadaba tababarahan qabiirka ah ma aqbali doonaa dalabkan ama Madrid ayuu kaaliye kasii ahaan doonaa!
  • Gareth Barry oo maanta macsalaameyn doono Premiership-ka wuxuuna xirfadiisa cayaareed kasii wadan doonaa MSL-ka dalka Mareekanka.
  • Liverpool oo si rasmi ah u sheegtay inay ahmiyad gaar ah siin doonto saxiixa Adam Lallana ayadoo ugu tala gashay inay Southampton ku wareejiso €24m.
  • Naadiga Monaco ayaa si lama filaan ah Arsene Wenger ula xariirtay madaama uusan weli macalinkan heshiis cusub Arsenal u saxiixin.
  • Kulankii dhex mari lahaa tababare Conte iyo maamulka Juve ayaa baaqday haatana shaki xoogan ayaa soo baxay inuu macalinkan sii joogi doono waxayna saxaafada Talyaaniga qoreen in Mihajlovic uu booskiisa la wareegi doono hadii Conte uu diido inuu Juve baaqi kusii ahaado.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close