Home » Maxaa Cusub » War Bixin Xasaasi Ah: 5 Xidig Ayaa Tagi Doona Halka Shan Kale Ay Imaan Doonaan Kooxda Liverpool

War Bixin Xasaasi Ah: 5 Xidig Ayaa Tagi Doona Halka Shan Kale Ay Imaan Doonaan Kooxda Liverpool


waxaa la filayaa markii uu suuqa kala iibsiga furmo in garoonka Anfield uu noqon doono mid aad u mashquusalsan iyadoo xidigo badan ay ka tagi doonaan halka kuwa kalana ay imaan doonaan, haddaba hoos ka akhriso xidigaha la filayo inay imaadaan iyo kuwa la rajeenayo inay ka tagaan:

 Liiska Shanta xidig ee la filayo Inay Liverpool Imaadaan:

 1. Adam Lallana (Southampton)

Waa Kabtan 26 jir ah aadna u caqli badan sidoo kalana leh xirfad wanaagsan oo qadka dhexe wuxuuna soo jiitay Macalinka Xulka Ingiriiska isagoo laga dhex arkay xidigaha xulka Qaranka, Sidaas  darteed Liverpool xidigaan waxay miiska u saartay lacag gaareyso  £25m.

 Adam-Lallana-Southampton1

2. Michel Vorm (Swansea City)

Brendan Rodgers ayaa lala xiriirinayaa inuu xiriir dhaw la leeyahay xidigaan maadaama uu Rodgers macalin u ahaan jiray kooxda Swansea wuxuuna ku jiraa liiska xidigaha uu haminayo inuu Liverpool keeno inkastoo uusan carabka ku dhufan lacagta uu ka bixin doono goolhayahaan.

 Michel-Vorm-Swansea-City

3. Yevhen Konoplyanka (Dnipro Dnipropetrovsk)

Reds ayaa aad ugu dhaw inay lasoo saxiixato xidigaan u dhashay dalka Ukraine, iyadoo liverpool ay noqotay naadiga kaliya ee ingiriis ah ee ku dhiirato inay ka jawaabta qiimaha ay kooxdiisa Dnipro dul dhigtay xidigaan (£20m).

Liverpool ayaa markii hore xidigaan u gaartay lacag gaareysa (£15m) laakiin waxaa loo sheegay inay yartay tahay sidaas darteed Liverpool ayaa laga soo sheegayaa inay bixineyso lacagtaas aan wax ka dhamista laheyn ee (£20m).

 Yevhen-Konoplyanka

4. Alberto Moreno (Sevilla)

Xidigaan da’da yare ee u dhashay Xulka Spain ayaa horey loo xukmiyey inuu yahay xidig aad ugu wanaagsan Xagga Difaaca bidix ee dambe isagoo wacadaro ka dhigay kooxdiisa iyo qaaradda Yurub, sidaas darteed kooxo badan ayaa feel ugu jiro laakiin kooxda Liverpool waxay miiska saartay £15m in ay u hesho daafacaan 21 Jirka ah.

 Alberto-Moreno-Spain

5. Steven Caulker (Cardiff City)

Tababaraha kooxdsa Anfield ee Rodgers ayaa waxaa la ogyahay inuu xidigaan aad u jecel yahay, sidaas darteed maadaama kooxdiisa Cardiff City ay u laabatay heerka labaad ee Wadanka ingiriiska Liverpool cid ka xigta ma jirto, wuxuuna ka qeyb qaatay ololihii Rodgers uu kusoo caan baxay ee kooxda Swansea City Xilli Cayaareedkii 2011-2012 markaas oo xidigaan uu kooxda Swansea ku qaatay hal sano oo amaah ah.

 Steven-Caulker-Cardiff-City1

liiska shanta xidig ee lagu wado inay ka tagaan kooxda Liverpool

1) Daniel Agger

Kabtanka ku xigeenka Kooxda Liverpool ayaa sanadkii hore ku daalay kursiga keydka iyadoo badanaa la keeni jiray qeybta dambe ee cayaarta, sidaas darteed 29 Jirkaan wuxuu caddeeyey inuusan keydka Liverpool kusii jirin karaa, sidaas darteed wuxuu dalab ka helay Benitez.

 Daniel-Agger-Liverpool

2) Lucas Leiva

Xidigga u dhashay Dalka Brazil ayaa daris la ah dhaawac kasoo gaaray Jilibka sidaas darteed Liverpool uma arko mustaqbalka maadaama laga maarmay, sidaas darteed wuxuu ku biiri rabaa 27 Jirkaan kooxda Inter Milan.

 Lucas-liverpool

3) Iago Aspas

Weeraryahankaan Reer Spain ayaa niyad jab ka qaaday imaanshihiisa Liverpool iyadoo laga soo bixiyey lacag gaareysa £7.7m waxaana laga soo iibiyey kooxda Reer Spain ee Celta Vigo, sidaas darteed wadada kaliya ee u furan waa inuu ku laabto kooxdiisa haddii lagu heshiiyo qiimaha.

 Iago-Aspas-Liverpool

4) Brad Jones

goolhayahaan u dhashay dalka Australia ayaa boos ka waayey Xulkiisa koobka adduunka kadib markii uu keyd ka geliyey kooxda Liverpool, sidaas darteed joogitaan uma yaalo wuxuu raadsan doonaa koox uu line up ka helo.

Soccer - UEFA Europa League - Group K - Liverpool v FC Utrecht - Anfield

 5) Luis Alberto

Waa xiddig kale oo ku fashilmay inuu boos ka helo kooxda Liverpool kadib markii £6.8m soo biiyey kooxda Reer Spain ee Sevilla, intii uu joogay Liverpool wuxuu saftay kaliya 12 kulan dhammaan tartamada, sidaas darteed wuxuu kamid yahay xidigaha boorsooyinka ka xirixritay Liverpool.

 Luis-Alberto-Liverpool-Shirt

Akhriste Fikirkaaga kasoo dhiibo dhaqdhaqaaqa ka socdo garoonka Liverpool

3 Aragtiyo Ayaa Laga Bixiyay: War Bixin Xasaasi Ah: 5 Xidig Ayaa Tagi Doona Halka Shan Kale Ay Imaan Doonaan Kooxda Liverpool

  1. c kariim Qalinle Reply

    May 28, 2014 at 9:07 AM

    Waaaw waa warbixin xasaasi ah ani ahaan 5ta Xidig ee imaanaaya waxaan aad ujeclaan lahaa 3dax ka mid ah 1konopliyanka ,no2 Alberto moreno ,no3lallana. Kuwa baxaaya agger ayaan ka reebi lahaa viva Liverpool

  2. Ahmed Zaki Reply

    May 28, 2014 at 9:32 AM

    Waa xidigo aad u wanaagsan balse Emre Can ayaan aad u jeclaan lahaa in Anfield la keeno madaama uu yahay xidig hormar sameenayo sidoo kalena dhalin yar
    Agger way u badn tahay inuu Anfield ka hayaamo sidoo kalena Aspas, Luis Alberto waxba uma yaalaan meesha dabcan Lucas iska joog ayaan dhihi lahaa.

  3. XUDEYFa SYL Reply

    May 28, 2014 at 9:49 AM

    Thnks marka hore bhda hiil kubad @ waxn ka xumahy in nadiga lga diro our vice cptn sido kle dhiga reds wa dinel agger sido kle waxn jclan lahaa in fursad la siiyo luis alberto gar ahaan kulmda carlin cup@ xidgaha ad shgty in ay reds u dhowyhn ilamaha ahan in aan si fudud ku heli doono waayo waxn aad uga liidana dhnka suqa oo ma lahim siyasad fur furan inta bdn marka aan xdg za,I’d ugu dhwaana waxa dhca in nalaga dulqado ila hda waxa maankyga ka bixi la guldaradi chlsea ee moha salah ngu dulqady weliba hal mlyn kelya ku weyny xdig sida moha salah. Hdna waxn aad ugu wal walasnhy adalm lalana oo ay kuso birty totenham maxa yely mcalimkisi aya ku biry aya qabty shaqada totenham taas ayana u sahli krta totnham in ay nagu garaacdo adam lalana anwy always am livrpol xitaa ulabato herka labaad viva famly of YNWA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close