Qoraa reer Australia ah kuna caan baxay inuu sadaal ka bixiyo dhacdooyin Sports-ka ayaa sheegay in Luis Suarez uu mar afaraad cayaaryahan qaniini doono marka uu soo dhameesto ganaaxa 4-bilood ee la dul dhigay wuxuuna qoraagan sheegay in Suarez uusan dareenkiisa xakameyn karin sidaa darteed hadaba waa kuma xidiga xiga ee uu Suarez qaniini doono?
Qoraagan ayaa sheegay in Suarez uu qaniinyo kala dul dhici doono Patrice Evra marka uu Premiership-ka England dib ugu soo laabto sidoo kale qoraagan ayaa sheegay in Suarez uu qaniini doono qaar ka mid ah xidigaha Liverpool hadii ay tababarka isku fahmi waayaan!
Sidoo kale qoraagan ayaa ku kaftay in Luis uu qaniini doono boqorada dalka England hadii uu fursad ku helo balse marka hore waxaa uga sahlan inuu qaniino duqa magaalada London Boris Johnson madaama uu todobaad walbo London u imaado inuu kooxdiisa Liverpool Premiership-ka kula cayaarto kooxaha London ka dhisan!
Kkkk! Wa wax layab leh runti balse tasi waxa ka horeysa in luis suarez la baro malaha wa waraba dadow