Home » Maxaa Cusub » Vincent Kompany Oo Noloshisa Kubada Cagta Ku Dhameysan Doona Etihad Stadium

Vincent Kompany Oo Noloshisa Kubada Cagta Ku Dhameysan Doona Etihad Stadium


Kompany

Kabtanka Kooxda Manchester City Vincent Kompany ayaa saxiixay heshiis waqti dheer ah oo uu kusii joogayo garoonka Etihad Stadium wuxuuna mustaqbalkiisa ciyaareed ku dhameysan doonaa magaalada Manchester.

Daafacaan sidoo kale ah kabtanka xulka Belgiumka ayaa qandaraaska uu ku joogay Man City uu ku ekaa 2017, wuxuuna ku kordhiyay 2-sano tasoo ka dhigan inuu ilaa 2019-ka baaqi kusii ahaan doono kooxda uu hogaamiyo Manuel Pellegrini ee heysata horyaalka Ingiriiska.

33-jirkaan heerka caalami ee ayaa isbuucii qaata 140,000 waxaana dalabyo badan usoo diray kooxda Barcelona oo ay difaac la’aan heyso.

Vincent Kompany ayaa kaliya 28-kulan u saftay Manchester City xili ciyaareedka 2013/2014 ee dhamaaday isagoo kooxdiisa ka saaciday iney markii labaad ku guuleysato horyaalka Premier League mudo sadex sano gudahood ah.

Dhanka kale Manchester City ayaa dooneysa iney heshiis cusub ka saxiixdo Samir Nasri oo khadka dhexe kaga ciyaara kooxda kaas oo ay isla fahmeen inuu qalinka ku duugo heshiiska.

 

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close