Shirkadda qalabka Sports-ka sameysa ee NIKE ayaa sameysay muuqaal yar oo xayeysiin ah oo ay ugu tala gashay bandhigeeda Koobka Aduunka ee Brazil ka furmi doona 2014 bisha June iyadoo ay kasoo muuqdeen xidigo badan waxaana qaab layaab leh loo sameeyay filmkaan yar oo aad mararka qaar la yaabeyso.
Wayne Rooney
Cristiano Ronaldo iyo Gacalisadiisa Irina Shayk ayaa ku camiran doona wiil yar oo ka mid ah dadka filmka sameynaya, sidoo kale Andrea Pirlo ayaa xanuun daremi doona marka uu ku dhaco laad xor ah oo uu soo tuuro Ibrahimovic.
Cristiano Ronaldo
Irina Shayk
Waynr Rooney, Neymar, Andreas Iniesta, Mario Gotze & David Luiz ayaa ku jira filmka, xidiga reer Brazil David Luiz ayaa loo sameeyay laba qaab isagoo isla yaabi doona.
David Luiz oo isla yaaban
Goolhaye Tim Howard oo Everton ka tirsan ayaa goolka ku jiri doona, waxaana ugu dambeyntii kubada gacanta ku dhigi doona iyadoo la sugayo Koorno uu soo qaaday Andrea Pirlo “HULK” oo ah Robbot-ka jila filimaanta ee qofka loo ekeysiiyay.
Andrea Pirlo oo xanuunsanaya
HULK
DAAWO MUUQAALKA: