Home » Maxaa Cusub » Van Persie Iyo Silva Oo Maqan Iyo Line Up-ka Rasmiga Ee Kooxaha City iyo United

Van Persie Iyo Silva Oo Maqan Iyo Line Up-ka Rasmiga Ee Kooxaha City iyo United


Robin-Van-Persie-Manchester-United

waxaa sida caadada ah 30 daqiiqo ka hor kulan kasta lasoo saaraa Line Up-ka Rasmiga ah ee Labada Koox ee Cayaareyso, Hadaba waxaa la soo saaray Line Up-ka rasmiga ah ee kooxaha United iyo City.

Kubadsameeyaha Man City David Silva ayaa seegaya kulanka caawa ee Manchester Derby ka dib markii uu taam u ahaan waayay inuu qeyb ka noqdo kooxda Manuel Pellegrini ee wajaheysa Manchester United. Kabtan Kompany ayaa isna ku soo bilowday, iyadoo Richards oo dhaawac ka soo kacay uu kursiga keydka fadhiyo. Waxaana Aguero weerarka ku caawinaya Navas iyo Negredo. Dhanka Manchester United gooldhaliyahooda Robin van Persie ayaa kooxda gabi ahaanba ka maqan, ka dib dhaawac muruqa ah oo soo gaaray.

Maanta ayaana ah markii ugu horeysay ee Robin van Persie uu seego kulan Premier League ah tan iyo 5tii bishii March 2011, isagoo 90 kulan oo isku xigta ka qeyb qaatay.

Waxaana kulankaan ku soo bilaabanaya Welbeck iyo Fellaini halka Rooney uu isna ku jiro line-upka Man United. Line-upka Rasmiga Ah:

Man City:

Hart; Zabaleta, Kompany, Nastasic, Kolarov; Nasri, Fernandinho, Toure; Navas, Aguero, Negredo. Keyd: Pantilimon, Lescott, Richards, Garcia, Milner, Jovetic, Dzeko.

Man United:

De Gea; Smalling, Ferdinand, Vidic, Evra; Valencia, Carrick, Fellaini, Young; Rooney, Welbeck. Keyd: Amos, Büttner, Evans, Cleverley, Nani, Kagawa, Hernandez
.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close