Inkastoo bartamaha bisha September si rasmi ah u bilaaban doono koobka horyaalada Yurub xili cayaareekii 2014/15 hadana waxaa sii bilaaban doono isreeb reeb dheer oo wareegyo kala duwan leh sidaa darteed UEFA ayaa si rasmi ah shaaca uga qaadeen 22-ka naadi ee aan isreeb reebka tartankan ka qayb qaadan doono sidoo kalena si toos ah loo xaqiijiyay inay qaybtia Guruubyada qorituurka loo sameyn doono kasoo muuqaan doonaan, waxaan xusid mudan in kooxaha Liverpool iyo AS Roma ay dhowr sano kadib kusoo laabteen qaybta guruubyada.
Naadiga Real Madrid oo ah difaacadayaasha tartankan qiimaha badan ayaa ugu horeyso 22-ka naadi ee sida tooska ah uga qayb qaadan doonaan qaybta guruubyada sidoo kale Madrid ayaa ah naadiga ugu dhibcaha badan 22-ka naadi madaama ay leedahay 161.542-dhibcood waxaana xusid mudan in 22-ka naadi ee qaybta guruubyada matali doonaan ay u kala horeeyaan sida ay ugu kala wanaagsan yihiin qaarada Yurub fadlan hoos kaga bogo 22-ka naadi ee la xaqiijiyay inay qaybta guruubyada kasoo muuqaan doonaan:
Kaalin | Koox | Dhibco |
1 | Real Madrid CF (ESP) – holders | 161.542 |
2 | FC Barcelona (ESP) | 157.542 |
3 | FC Bayern München (GER) | 154.328 |
4 | Chelsea FC (ENG) | 140.949 |
5 | SL Benfica (POR) | 129.459 |
6 | Club Atlético de Madrid (ESP) | 119.542 |
7 | FC Schalke 04 (GER) | 95.328 |
8 | Borussia Dortmund (GER) | 82.328 |
9 | Juventus (ITA) | 80.387 |
10 | Paris Saint-Germain (FRA) | 80.300 |
11 | FC Shakhtar Donetsk (UKR) | 78.193 |
12 | FC Basel 1893 (SUI) | 75.645 |
13 | Manchester City FC (ENG) | 72.949 |
14 | Olympiacos FC (GRE) | 67.720 |
15 | PFC CSKA Moskva (RUS) | 66.899 |
16 | AFC Ajax (NED) | 61.862 |
17 | Liverpool FC (ENG) | 58.949 |
18 | Sporting Clube de Portugal (POR) | 58.459 |
19 | Galatasaray AŞ (TUR) | 55.340 |
20 | RSC Anderlecht (BEL) | 50.260 |
21 | AS Roma (ITA) | 39.887 |
22 | AS Monaco FC (FRA) | 11.300 |
F.G: 10-naadi ayaa lagu wadaa inay isreeb reebka kusoo baxaan kadibna waxay noqon doonaan kooxaha qorituurka guruubyada ka qayb qaadan doonaan 32-naadi oo loo qeybin doono 8-guruub oo min afar, waxaana naga xasuusin ah kooxaha ugu caansan ee isreeb reebka cayaari doonaan inay ka mid yihiin Arsenal, Napoli, Bayer Leverkusen iyo Athletico Bilboa.
Profile