Home » Maxaa Cusub » Top 5: Shan Xidig Oo Xulka Italy Guulo U Horseedi Kara Koobka Aduunka

Top 5: Shan Xidig Oo Xulka Italy Guulo U Horseedi Kara Koobka Aduunka


Italy

Xulka Italy waa xulka kaliya ee aan laga hordhici karin heerka ay koobka aduunka xagaagan ka gaari doonaan waayo xulkan awooda badan sanadii 2006 koobka aduunka ayay ku guuleesteen balse sanadii 2010 wareega hore ayay ku hareen sidaa dartee sanadkan 2014 ma jirto qof ku dhiiran karo oo tilmaami karo halka ay tartankan kaga dhameesan doonaan balse xulkan wuxuu heestaa xidigo aad u tayo wanaagsan kuwaas oo la filaayo inay koobka aduunka wacdaro ka dhigaan, hadaba waxaan isiin soo xulnay 5-laacib oo Italy guulo u horseedi karaan xagaagan waxayna kala yihiin:

MARIO BALOTELLI: Xidigan oo miirkiisa taam yahay halis weyn ayaa laga filan karaa madaama tartankii Euro 2012 uu wacdaro dhigay sidoo kalena xagaagan ka filo markale inuu Italy garbihiisa ku qaado.

ANDREA PIRLO: waa 35-jir sidoo kalena ka mid ahaa raggii Italy u qaaaday koobkii aduunka 2006 sanadkan doorkiisa wuxuu yahay inuu xulkan khadka dhexe u agaasimo sidoo kalena kubad halis ah abuuro hadii marshada reer Italy horey u dhaqaaqdo macalin Pirlo ayaa wada ku hagi doono!

GIANLUIGI BUFFON: marwalbo waa la isku haleen karaa 36-jirkan wuxuuna doonayaa inuu ka qayb qaato koobkiisii 5-aad, madaama uu yahay kabtanka Italy ka filo inuu daafaca hor jooge u noqdo sidoo kalena uu dhalinta xulkan guubaabiyo!

ANDREA BARZAGLI:  Waa la yaab sanadii 2006 koobka aduunka ayuu wax ka qaaday hadana 2010 macalin Marcello Lippi ayaa xulka ka reebay haatan ruug cadaagan dib ayuu xulkiisa ugu soo laabtay wuxuna doonayaa inuu dalka Brazil kusoo qatimo cayaaraha heerka caalami laakiin dalxiis uma tagi doono Koonfur Ameerika!

DANIELE DE ROSSI: Tan markii uu 22-sano jiray xulkan si joogto ah ayuu ugu cayaarayay wuxuu wax ka qaaday 2006 haatan waa 30-jir wuxuuna xulkiisa u saftay 93-kulan kaliya Buffon iyo Pirlo ayaa safasho badan siaa darteed kartidiisa dheeriga ah iyo qaab difaaciisa muhiim ayuu Italy u yahay mana ka maarmaan xulkaan maaliyada Buluuga ah ku caan baxay de Rossi.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close